Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xarmasho
oggolaansho  eeg oggolow. ld oggolaan.
oggolaysii  1. Cid wax ku qancin. 2. Nafley in ay wax oggolaato ku khasbid.
oggolaysiin  eeg oggolaysii.
oggolow  Wax, wax oggolaaday noqosho.
ogog  Meel, wax iwm hareeraheeda.
ogogleh  Ku o.: wax, meel kale u dhow ahaansho.
ogoobey  Runtii; ogow!
ogow  Cid, wax ka warhaysa noqosho.
ogsajiin1  1. Curiye kiimikaad oo neef ah, midab dhadhan iyo urna lahayn oo ku jira hawada iyo biyaha muhimna u ah noolaha. 2. Curiyeyaasha biyuhu ka samaysmaan mid ka mid ah. ld ogsijiin, oksijiin. ogsajiin2  (kiim.) Neef laba atamle ah oo aan ur iyo midab midna lahayn. Curiyaha ugu horreeya ururka VI ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa ay ku jirtaa atomosfiyeerka, macdanta badankeeda, iyo dhagaxda. Ogsajiintu waa curiye lama huraan u ah noolaha oo dhan. Ogsajiinta curiyaha ahi waxa ay leedahay laba qaab: molikiyuulka laba atamlaha ah (O) iyo molikiyuulka deganaanshaha yar ee saddex-ogsajiin (Osoon), O. Osoonta waa jinsi ka mid ah jinsiyada ogsajiin. ogsidhayn  (kiim.) Habka atam, ayoon, ama molikiyuul ku lumiyo elektaroonno. Habkani waxa uu u dhici karaa si kiimikaadiyada oo la adeegsanaayo falgal uu ku jiro ogsidheeye, ama si danabeed iyada oo ogsidhayntu ka dhacayso qotinka togan. Tusaale ahaan, 2Na + Cl --> 2Na + 2Cl halkaas oo koloriin ay tahay ogsidheeye, naatriyamna la ogsidheeyay. Wejiga ogsidhaynta ee atam waxa lagu tilmaansadaa tirada elektaroonnada lumay; taas oo ah tirada ogsidhaynta. Tirada ogsidhaynta ee ayoon tabani way tabantahay. ld ogsidheeye.
ogsidheeye  ld ogsidhayn.
ogsijiin  ld ogsajiin.
ogsoon  Cid wax ka war haysa ahaansho.
ogsoonaan  eeg ogsoon. ld ogsoonaansho (2).
ogsoonaansho  eeg ogsoonow. ld ogsoonaan.
ogsoonow  Arrin xogteeda wax la socda noqosho.
ohli  (ohli/-iyo, m.dh) Kolay weyn harag ama mayrax ka samaysan oo badarka iyo waxyaabaha yaryar ee guriga lagu gurto.
oholi  O. ah: Dhul dhir badan oo aan la mari karin leh.
ohon  Badar, beer ka soo go'ay inta loogu talaggalay in la cuno.
ohoomi  Wax wadid ama hoggaamin.
ohoomin  eeg ohoomi.
ohow  ld ahaw.
okhole  Gaawe weyn oo sida badan qori ka samaysan oo ceelasha gaaggaaban biyaha looga soo darsado.
okobban  Qof wax la faray oggol oo qabashadiisa ku faraxsan ahaansho. ld okobboon.
okobbanaan  eeg okobban. ld okobbanaansho, okobboonaan, okobboonaansho.
okobbanaansho  ld okobbanaan.
okobboon  ld okobban.
okobboonaan  ld okobbanaan.
okobboonaansho  ld okobbanaan.
page : 1149 of 1584
<< < 1144 1145 1146 1147 1148 1149 1150 1151 1152 1153 1154 > >>

 

Exit mobile version