organ (c.nafl.) Qayb ka mid ah jidhka noolaha oo u khaas ah, inay qabato hal shaqo ama in ka badan. Tusaale, xayawaanka: dhegaha, indhaha, sambabada iyo kelyaha. Tusaale, dhirta: caleemaha, xididdada iyo ubaxa. Organku wuxuu ka koobanyahay nudo badan oo kala duwan.
organ yare Qayb kasta oo ka mid ah unugga, sida bu'da ama jeedalka, taas oo qabata shaqo gaar ah.
orgee Orgi ri' tallaabid.
orgeyn eeg orgee.
orgeysan Ri' wax orgi u baahan ahaansho.
orgeysguur Waayidda uu sac ama ri' orgeysani waayo dibi ama orgi kuda (booda).
orgeysnaan eeg orgeysan. ld orgeysnaansho.
orgeysnaansho ld orgeysnaan.
orgi Laboodka aricadka.
orgobbe 1. Shabeel lab oo qooqan oo dad cun ah. 2. Qof dhaqan bahal leh.
orgoo Sac ama ri' wax boodid u baahan noqosho.
orgood eeg orgoo.
orgoodqab Sac ama ri'wax la booday noqosho.
orgoodqabid eeg orgoodqab.
orgootay ld orgootow.
orgootow Neef dheddig oo marar badan inta orgootay aan rimin. ld orgootay.
ori 1. Kor u dhawaaqid. 2. Cod dheer ku heesid. ld orri.
orin eeg ori. ld oris, orrin, orris.
oris ld orin.
ormayn eeg ormee.
ormaysii Wax meel isugu soo uruurin.
ormaysiin eeg ormaysii.
ormee Ormo sameyn.
ormo Koox. ld hormo.
orod1 Lugaha oo si degdeg ah oo socodka ka dhaqso badan kana fudud loo qaado; roor. orod2 Lugaha si degdeg ah oo socodka ka dhaqso badan kana fudud u qaadid; roorid. orodsii Wax inuu ordo ku kellifid. ld ordisii.
orodsiin eeg orodsii. ld ordisiin, ordisiis, orodsiis.
orodsiis ld orodsiin.
oroh ld oraah.
page : 1156 of 1584
<< < 1151 1152 1153 1154 1155 1156 1157 1158 1159 1160 1161 > >>