Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabree
qaabsamo ld qaabsami.
qaabsan (1) Wax qaab wanaagsan leh noqosho.
qaabsan (2) Wax qaab leh ahaansho.
qaabsanaan eeg qaabsan². ld qaabsanaansho.
qaabsanaansho ld qaabsanaan.
qaabuuli 1. Bariis yaryar, macaan oo hindiya laga keeno. 2. Bariis lagu daray xawaaji, kabsar, geed kuleyl iwm.
qaabxumaan eeg qaabxun. ld qaabxumaansho.
qaabxumaansho ld qaabxumaan.
qaabxumi ld qaabxumo.
qaabxumo Qaab aan qurxooneyn oo wax yeeshaan. ld qaabxumaan, qaabxumi.
qaabxun Wax aan qaab wanaagsaneyn ahaansho.
qaac (1) Uumi daruur la moodo oo wax gubanaayo ka soo baxa oo hawada ku baaho. ld qiic¹, qiiq¹ (2), qiiqaab¹.
qaac (2) Wax gubanaayo qaac bixin. ld qiic², qiiq², qiiqaab².
qaaci 1. Wax qaac ka keenid. 2. Haruub qaac ku kululeyn. 3. Ka q.: ruuxaan ka shidid (cid). ld qiici, qiiqi.
qaacid eeg qaac². ld qiicid, qiiqaabid, qiiqid.
qaacido 1. Saldhig xoog leh oo militari. 2. Xeer kooban oo maaddo cilmi ahi ay leedahay.
qaacin eeg qaaci.
qaad (1) 1. Mugga ay wax leeyihiin. 2. Awoodda qaadis ee wax leeyihiin. 3. ld jaad¹(1). Laamo yaryar oo u xirxiran majimo iyo marduufyo laga soo guro geedo meelo kala duwan ka baxa la cuno inta ay jilcanyihiin oo lagu marqaamo. 4. ld qaadid: magacyada lammaanan. Tus. “Dulqaadka”.
qaad (2) 1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.
qaadaadhig (1) ld qaadaadhigid.
qaadaadhig (2) Arrin si dhab ah u faaleyn.
qaadaadhigid eeg qaadaadhig². ld qaadaadhig¹.
qaadasho eeg qaado.
qaaddac 1. Wax diidid. 2. Xiriir goyn. 3. Dhagax lagu huufayo dhagax kale ku dhufasho.
qaaddacaad Go'aan wax lagu diido.
qaaddan Qof aan maskaxdiisu dhammeyn ahaansho; derderan.
qaaddanaan eeg qaaddan. ld qaaddanaansho.
qaaddanaansho ld qaaddanaan.
qaaddi ld qaalli.
qaaddicid eeg qaaddac.
<< < 1154 1155 1156 1157 1158 1159 1160 1161 1162 1163 1164 > >>

 

Exit mobile version