Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xarmasho
qabaal1  1. Weel xoldhan oo geed jirriddii laga qoro oo xoolaha la waraabinayo biyaha loogu shubo. 2. Weel gudihiisa dadku ku mayrto iyo mid dharka lagu dhax meyro. qabaal2  (xis.) Nooc ka mid ah toobineed oo leh xoodbeeg u dhexeeya oo iyol (oleli). Tubta bar socota sallax oo wadarta fogaanta ay u jirtaa laba barood oo maguuran ah ay tahay madoorsoome. Labada barood ee maguuraanka waxa la yiraahdaa kulmisyo. qabaanqab1  Ci'iyo socsocod badan oo ay riyuhu sameeyaan marka ay waayaan arigii ay ku jireen. ld qawqab¹. qabaanqab2  Jaadadka carsaanyada nooc ka mid ah. qabaanqab3  Ri'arigii ay ku jirtay ka luntay ama laga saaray ci'badan iyo dhaqdhaqaaq sameyn. ld qawqab². qabaanqabid  eeg qabaanqab³. ld qawqabid.
qabad  1. Orgi yar oo bilaabay kudidda riyaha. 2. ld qabasho.
qabadnimo  Qabad ahaansho.
qabadsii  1. Wax, wax kale ku dhejin. 2. Cid wax xafidsiin. 3. Wax, wax kale ku dirid. 4. Cudur isku daarasho.
qabadsiin  eeg qabadsii.
qabalax  Qof laf weyn leh godan oo aan hilib badan lahayn. ld qablax.
qabalaxsan  Wax qablax ah ahaansho (qof). ld qablaxsan.
qabalaxsanaan  eeg qabalaxsan. ld qabalaxsanaansho, qablaxsanaan, qablaxsanaansho.
qabalaxsanaansho  ld qabalaxsanaan.
qaballuus  Qof qaangaar ah oo garmaqaatenimo iyo nacasnimo isku darsaday.
qaballuusnimo  Qaballuus ahaansho.
qabandhaco  Jariirico oogada ku fidda oo ay dhaliso naxdin, dhaxan ama jirro.
qabandhacoo  Qabandhaco dareemid.
qabandhacood  eeg qabandhacoo.
qabanqaabi  Wax la fulin lahaa isku dubbaridid.
qabanqaabin  eeg qabanqaabi.
qabanqaabo  Isku dubba rididda hawl la rabo in la qabto.
qabasho  eeg qabo². ld qabad, qabatin² (5).
qabatimid  eeg qabatin³. ld qabatin² (3).
qabatin1  (c.nafl.) Marka laga hadlayo taduwurka, isbeddel kasta oo ku dhaca dhismaha ama shaqada noolaha taas oo ka dhigta mid ku habboon degaankiisa. qabatin2  1. Xanuun mar mar dadka qabta; eyddin; nabar. 2. Tabta awrku wax u qabto. 3. ld qabatimid. Wax loo barto, la qaayibo. 4. Wax sameyntooda loo bartay. 5. ld qabasho. qabatin3  (imay, -intay; -imi) Meel nolosheeda u barasho. qabato  Qalab sida manqaska laba birood oo isweydaar ah ama hal bir oo la isku soo laabay ka samaysan oo waxyaalaha aadka u kulul lagu qabto.
qabatoomid  eeg qabatoon².
qabatoon1  1. Cudur qabatiin leh oo soo noqnoqda. 2. Muddo dheer oo la qado dhibaatada ka timaadda.
page : 1166 of 1584
<< < 1161 1162 1163 1164 1165 1166 1167 1168 1169 1170 1171 > >>

 

Exit mobile version