Qab

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

1. Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han. 2. Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg.

Qab

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-bo, m.l)

1. Bir dugaagga lagu dabo; birshabeel. 2. Labo shay isku dhacay dhawaaqooda. 3. Belo lamafilaan ah oo si kedis ah ku dhacda.

Qab

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-bay, -btay)

1. Wax mulki ahaan u haysasho. 2. Naag lahaansho. 3. Fikrad iwm si u aaminid. 4. Jirro, cuqdad iwm qof ku dhicid. 5. Dhar iwm xirnaan.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga qab

aagga-qabow | ebi | daab | daab | la | aalad | naabnaab | raabiya | taab | yabaro |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg