bartiree Ciyaar turub iyadoo la hayo ka hor degid.
bartireyn eeg bartiree.
bartiyaqaan Qof hantidiisa ama camalkiisa ku dheggan oo aan sida ku habboon uga faa'idaysan.
bartiyaqaannimo Bartiyaqaan ahaansho.
baruur Hilib intiisa aan ahayn oo dufanka leh.
barwaaqasooran Isbahaysi dhaqan dhaqaale oo ka dhexeeya Ingiriiska iyo dawladaha xorta ah ee uu gumeysan Jirey.
barwaaqayn eeg barwaaqee.
barwaaqaysan Wax barwaaqo ku jira ahaansho (meel ama wax).
barwaaqaysasho eeg barwaaqayso.
barwaaqaysnaan eeg barwaaqaysan. ld barwaaqaysnaansho.
barwaaqaysnaansho ld barwaaqaysnaan.
barwaaqayso 1. Meel barwaaqo ka dhigasho. 2. Barwaaqo helid.
barwaaqee Wax barwaaqo ka dhigid.
barwaaqo 1. Nolol aan cudur, gaajo iwm lahayn. 2. (w) Waqti roobeed oo uu dhulku doogganyahay.
barwaaqoobid eeg barwaqow.
barwaaqow Barwaaqo noqosho (dhul).
barxad (1) ld barxasho.
barxad (2) 1. Goob bannaan oo dhismayaal hareeraha ka jiraan. 2. Cad dhulka ah, yar oo bannaan.
barxamid eeg barxan¹.
barxan (1) Wax, wax aan la nooc ahayn ku dheehmid.
barxan (2) 1. Wax la barxay ahaansho (caano). 2. Wax, wax aan la nooc ahayn ku dheehmay ahaansho.
barxanaan eeg barxan². ld barxanaansho.
barxanaansho ld barxanaan.
barxasho eeg barxo. ld barxad¹.
barxid eeg barax².
barxo Caano, barax ka dhigasho.
baryaddilad ld baryadilasho.
baryaddilasho ld baryadilasho.
baryaddilo ld baryadilo.
baryaddoon Qof sabool ah oo kaalmo raadsasho ku jiro.
<< < 115 116 117 118 119 120 121 122 123 124 125 > >>