Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qarameyn  eeg qaramee.
qaran  1. Dad ay ka dhexeyso qawaaniin iyo maamul siyaasadeed oo leh seere ama xad adduunyadu aqoonsan tahay iyo calan u gaar ah. 2. Usha balka galleyda ama meseggada.
qarandi  Bahal duurjoog ah oo leh af dhuuban iyo gafuur dheer, dhego dhaadheer oo kuwa dameeraha u eg, lugo gaaggaaban oo xoogag badan, dhabar sida qaansada u xoodan iyo dabo sal weyn leh oo cuna aboorka, quraanyada iwm; xabaalaquf; saddexsuulley.
qaranful  Miro yaryar, madmadow, dhuudhuuban oo madax kuuskuusan leh oo shaaha lagu udgiyo. ld qorofol, qoronful.
qarannimo  Qaran ahaansho.
qaranqaar  Bohol yar.
qaranqaaro  1. Malaxda iyo dhiigga ku guntama meel nabar ku dhacay. 2. Cayayaan yar, duula, dhurdaha u eg kase weyn oo sameeya malab.
qaraq1  1. Q. ah: wax aad u badan. 2. ld qaraqid. qaraq2  Biyo ku hafasho. ld qarqan. qaraqan  ld qaraq².
qaraqmid  ld qarqid.
qarar  (c.nafl.) Jeex jeex ku dhaca maqaarka gaar ahaan afka qarkiisa ama meelo kale oo dhaqaaq badan leh ee jirka. Jeex jeexyada ku yaal afka iyo sanka caruurta ku dhalata waraabowga waxay marka noqdaan qararyo.
qararab  ld qararable.
qararabdheere  ld qararable.
qararable  Qaloon diireed oo aan la biifin. ld qararab, qararabdheere.
qararabsad  ld qararamsasho.
qararabsasho  ld qararamsasho.
qararabsi  ld qararamsasho.
qararabso  ld qararamso.
qararamsad  ld qararamsasho.
qararamsasho  eeg qararamso. ld qararabsad, qararabsasho, qararabsi, qararamsad.
qararamsi  ld qararamsasho.
qararamso  Wax adag ilko ku burbursasho. ld qararabso.
qararro  Geed weyn oo aan qodxo lahayn oo leh sal weyn, laamo dhuudhuuban, miro la cuno iyo mayrax wanaagsan. ld qaranrro.
qaras  1. Wasakh midab cagaaran leh oo ku raagta caloosha oo ka dhalata cuntada qofka cuno. 2. Hadal badan oo xun.
qarash  1. Macdan jilicsan oo weelasha iwm laga sameeyo. 2. ld kharash.
qarashayeysan  ld qarasheysan.
qarashayeysnaan  ld qarasheysnaan.
qarashayeysnaansho  ld qarasheysnaan.
qarashee  Bakoorad, jeedal iwm qarash ku samayn. ld qarashyee.
page : 1192 of 1584
<< < 1187 1188 1189 1190 1191 1192 1193 1194 1195 1196 1197 > >>

 

Exit mobile version