qarqarsinaansho ld qarqarsinaan.
qarqarsiyan 1. Awr la qarqarsiyey ahaansho. 2. Cid wax lagu khasbay ahaansho.
qarqarsiyid eeg qarqarsi². ld qarqarsiin, qarqarsiinyo.
qarqaryeysan Nafley qarqaryo hayso ahaansho.
qarqaryeysnaan eeg qarqaryeysan. ld qarqaryeysnaansho.
qarqaryeysnaansho ld qarqaryeysnaan.
qarqaryo Gariirid ay dhaxan ama jirro keento.
qarqaryoo Qarqaryo dareemid.
qarqaryood eeg qarqaryoo.
qarqid eeg qaraq². ld qaraq¹ (2), qaraqmid.
qarqoor1 Ka baneynta hareera wax la doonayo in la jaro ama la qodo. ld qarqoorid, qooqaar¹. qarqoor2 Wax la doonayo in la jaro ama la qodo hareerahooda banneyn. ld qooqaar². qarqoorid eeg qarqoor². ld qarqoor¹, qooqaar¹, qooqaarid.
qarqoosh Xaqdarro ah, gardaran. Tus. “Xukun q. ah”.
qarraac1 Q. ah: nafley cabtey biyo aan bi'in karin oonkii hayey. qarraac2 Nafley biyo aan oonka bi'in karin cabbid. qarraacan Qarraac ahaansho (xoolo).
qarraacid eeg qarraac².
qarraacnaan eeg qarraacan. ld qarraacnaansho.
qarraacnaansho ld qarraacnaan.
qarraaf1 1. Macsi raadinta ay ragga iyo haweenku sameeyaan. 2. Warwareeg aan dan gaar ah lahayn. 3. ld qarraafid. qarraaf2 1. Galmo aan xalaal ahayn raadin. 2. Risiq raadin. qarraafid eeg qarraf². ld qarraaf¹ (3).
qarraafis Budaynta xashirka bunka oo kal iyo mooye lagu budeeyo.
qarracan1 Dareen xanuun leh oo dadka ku dhasha marka uu wax naxdin ama ciil keena ku yimaadaan. qarracan2 Qof naxdin weyn la kulmey noqosho. qarracmid eeg qarracan².
qarradh (juqr.) Kala jab ku dhaca oogada dhulka kaas oo uu la socdo dhaqaaq, islamarkaas lakabyada dhadhaabada qarradhka labadiisa dhinac ah iskuma sargo'na. Inkasta oo uu dhaqaaqu badanaa yahay mid atoma, haddana waxaa dhici karta qarradhku inuu jiho kasta aato oo ay ku jirto tan jiifku.
qarrar1 ld tarrar¹; tarrarid. qarrar2 ld tarrar².
page : 1198 of 1584
<< < 1193 1194 1195 1196 1197 1198 1199 1200 1201 1202 1203 > >>