macagtow Nafley, balwad iwm barashadoodu ka hariwaayid.
macal Cadka aan lafta lahayn oo cunaha idaha ka laallaada.
macalgad Fandhaal macdan ah oo cuntada lagu cuno, qaaddo. ld macalgo, maclaqad, malcaqad, malgacad, malqacad.
macalgo ld macalgad.
macallimad Haweenay arday wax barta.
macallin Nin arday wax bara.
macallinnimo Macallin ahaansho.
macaluul (1) Dhuubnaan ama xayeesinnimo ku dhacda nafleyda oo ka dhalata nafaqadarro.
macaluul (2) Naflay nafaqo-darro ama jirro darteed u caatoobid.
macaluulan Nafley caato ahaansho. ld macaluushan.
macaluuli Nafley caateysiin.
macaluulid eeg macaluul². ld macaluulis².
macaluulin eeg macaluuli. ld macaluulis¹.
macaluulis (1) ld macaluulin.
macaluulis (2) ld macaluulid.
macaluulnaan eeg macaluulan. ld macaluulnaansho, macaluushanaan, macaluushanaansho.
macaluulnaansho ld macaluulnaan.
macaluushan ld macaluulan.
macaluushanaan ld macaluulnaan.
macaluushnaansho ld macaluulnaan.
macandi 1. Cunto macaan oo nafaqo leh. 2. Barwaaqo, nabadgelyo, caafimaad. ld macaddi.
macangag (1) M. ah: qof aan waxba laga dhaadhicin karin.
macangag (2) Ku m.: arrin diididdeeda ama fulinteeda ama aad ugu adkeysasho.
macangagid eeg macangag².
macangagnimo Macangag ahaansho.
macarifad Aqoon fiican oo wax loo leeyahay.
macasalaamee Qof laga tegayo sii nabadgelyeyn.
macasalaameyn eeg macasalaamee. ld macasalaameys.
macasalaameys ld macasalaameyn.
macasalaamo Nabadgelyo.
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>