qatindhaafid eeg qatindhaaf².
qatinsan Xoolo, muddo aan biyo cabbin ahaansho.
qatinsanaan eeg qatinsan. ld qatinsanaansho.
qatinsanaansho ld qatinsanaan.
qatooyo 1. Ku sugnaanta nafley muddo ku sugnaato wax cunid la'aan. 2. Wax siin la'aanta qof wax doonaya. 3. ld qadid.
qaw1 Meel cirif ah oo haadaan dheeri ka hooseysa. qaw2 Erey tilmaama dhawaac. qawaacid Khasaaro weyn; masiibo.
qawaaniin eeg qaanuun.
qawaar Neef xoolaad oo aad u da'weyn caatana ah.
qawaarnimo Qawaar ahaansho.
qawaasimo Dad badda quusa oo luulka kala soo baxa.
qawad1 1. Saluugidda la saluugo wax la isa siiyo. 2. ld qawid. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; cambaarcad. qawad2 Wax saluugid. qawadid eeg qawad².
qawadsan Qof wax saluugay ahaansho.
qawadsanaan eeg qawadsan. ld qawadsanaansho.
qawadsanaansho ld qawadsanaan.
qawid ld qawad¹ (2).
qawjad Cid cilmi, caqli iyo aftahamo dheeraad ah kulansatay.
qawl1 1. Curdanka baarka geedaha ka soo baxa. 2. Hadal; erey. 3. Q. leh: qof axdi leh. 4. Cabbitaan qof jirran afka loogu shubo; kawl. qawl2 1. (f.g) Cid jeenan siin. 2. (f.mg) Hadal dhihid. 3. (f.mg) Curdan bixin (geed). 4. (f.mg) Si wanaagsan u korid (ubad, geel iwm.). qawlad ld qol.
qawlal1 Labada dacal ee afka middood oo ku aaddan miciyaha ama gaws-horaadka. qawlal2 Nafley, labadeeda qal dhexdooda bir, xarig, iwm, gelin. qawlalan Wax qawlal gashanyahay ahaansho (awr, faras iwm).
qawlalid eeg qawlal².
qawlalnaan eeg qawlalan. ld qawlalnaansho.
qawlalnaansho ld qawlalnaan.
qawle ld qowle.
page : 1204 of 1584
<< < 1199 1200 1201 1202 1203 1204 1205 1206 1207 1208 1209 > >>