Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qof2  (nax.) Mid ka mid ah kaqaybgalayaasha warisgaarsiinta: “aniga” waa qofka 1aad oo hadlaya, “adiga” waa qofka 2aad oo ah lala hadlaha, “isaga”/”iyada” waa qofka 3aad oo ah laga hadlaha; saddexdaan qof kala keliga ah mid weliba waa wadaroobaa: 1aad “annaga/innaga”, 2aad “idinka”, 3aad “iyaga”. qofayn  eeg qofee.
qofee  Qof ka dhigid.
qofnimo  Qof ahaansho.
qol  Qaybaha uu guri u qaybsamo middood oo aan ahayn musqusha iyo jikada. ld qawlad, qoolad, qowlad.
qolaab  ld qoolaab².
qolayn  eeg qolee.
qolaysad  ld qolaysasho.
qolaysan  1. Biyo wax meel godan ku aruursamay ahaansho. 2. Wax meel ciriiri ah ku xareysan ahaansho.
qolaysasho  eeg qolayso. ld qolaysad, qolaysi.
qolaysi  ld qolaysasho.
qolaysmid  eeg qolaysan.
qolayso  1. Biyo badan dar yar ku leexsasho. 2. Qol aan rasmi ahayn samaysasho.
qoldhob  Meel ciriiri ah.
qolee  Biyo meel godan isugu gayn.
qolfaad1  1. Weel gaboobay oo aan la isticmaalin. 2. ld qolfaadid. Cuf la geliyo doonyaha meelaha ay ka dalooshamaan. qolfaad2  1. (f.g) Doon dalooshantay cuf gelin. 2. (f.mg) Weel gaboobay isticmaal beelid. qolfaadid  eeg qolfaad². ld qolfaad¹.
qolfaysad  ld qolfaysasho.
qolfaysasho  eeg qolfayso. ld qolfaysasho, qolfaysad, qolfaysi.
qolfaysi  ld qolfaysasho.
qolfayso  1. (f.g) Haraa xaabid (nafley). 2. (f.mg) Qolof yeelasho (nabar iwm).
qollad  ld qol.
qolo  1. Qabiil. 2. Ummad. 3. Koox isku meherad ah.
qolobdhabad  ld qolobdhabasho.
qolobdhabasho  eeg qolobdhabo. ld qolobdhabad.
qolobdhabo  Awr qooqan isaga oo madax soo laallaadinaya daamankana isla dhacaya ordid.
qolof  1. Dubka sare ee geedaha. 2. Jilif xalleef ahoo ay nabarradu yeeshaan siiba marka ay biskoonayaan. 3. Dubka sare ee xammaaratada iyo mallayga.
qolofaysasho  ld qolfaysasho.
qolofayso  ld qolfayso.
page : 1217 of 1584
<< < 1212 1213 1214 1215 1216 1217 1218 1219 1220 1221 1222 > >>

 

Exit mobile version