qolofdhacsad ld qolofdhacsasho.
qolofdhacsasho eeg qolofdhacso. ld qolofdhacsad, qolofdhacsi.
qolofdhacsi ld qolofdhacsasho.
qolofdhacso 1. Xamaarato, mallay iwm xuub siibasho. 2. Nabar qolof ka dhicid.
qolofqab Beejoqab; buryaqab.
qoloqolee Dad meel wada deggan ama wada jooga qabiil qabiil u kala saarid.
qoloqoleyn eeg qoloqolee. ld qoloqoleys.
qoloqoleys ld qoloqoleyn.
qoloqolo Kala bixidda ay ummad meel wada deggan qabiil qabiil u sii kala baxdo.
qolqol1 1. Maro lagu kala qoqobo aqal gudahiisa; daah. 2. Aqal la kala qoqobay intiisa qarsoon. 3. Maqaar weyn oo tolan oo hilibka iwm lagu qaato; xashin. 4. Dillaacinta nirgo naaska hooyadood laga goynayo carrabka laga dillaaciyo. 5. Oodda sarsarka kore iyo xerada xoolaha meel u dhexeysa oo awrtu fariisato. qolqol2 1. Aqal kala qoqobid. 2. Nirig carrab ka jeexid. qolqolan Nirig naaska laga goynayo wax carrabka laga dalooliyay ahaansho.
qolqolid eeg qolqol².
qolti Hal caano badan leh (geel).
qombob1 Isku rooridda uu isku soo rooro wx kala baxsanaa engeg ama kulayl dartii. qombob2 Wax kala baxsanaa isku soo roorid engeg ama kulayl dartii. qombobid eeg qombob².
qombobsan Wax qombobay ahaansho.
qombobsanaan eeg qombobsan. ld qombobsanaansho.
qombobsanaansho ld qombobsanaan.
qommod Harag dab lagu dubay si loo cuno. ld qummud.
qommodsad ld qommodsasho.
qommodsasho eeg qommodso. ld qommodsad, qommodsi, qummudsad, qummudsasho.
qommodsi ld qommodsasho.
qommodso Maqaar qommod ka dhigasho. ld qummudso.
qondhacaysasho eeg qondhacayso. ld qondhacaysi.
qondhacaysi ld qondhacaysasho.
qondhacayso Qondhaco isu dhigid (nafley).
qondhaco Kulaylka cadceedda subaxdii.
qonfid eeg qonof².
page : 1218 of 1584
<< < 1213 1214 1215 1216 1217 1218 1219 1220 1221 1222 1223 > >>