Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qoriqaad2  Dad xabaal ka hawlgalay neef u qalid. ld qorijiid². qoriqaadid  eeg qoriqaad². ld qorijiidid.
qoririd  Qorituur.
qoriridasho  eeg qorirido.
qorirido  Qoririd wax ku qeybsasho.
qoris  ld qorid.
qorisaar1  1. Dedidda dhis iwm lagu dedo qoryo, alwaax iwm. 2. Saaridda la saaro daydka, xabaasha, ood, qori iwm. ld qorisaarid. qorisaar2  1. Dhismo iwm qori ku dedid. 2. Xabaal, ood, qori iwm ah saarid. qorisaarid  eeg qorisaar². ld qorisaar¹.
qorisla'aan  Xaaladda uu ku sugan yahay qof aan waxna qorin waxna akhrin.
qoritaan  ld qorid.
qorituraad  ld qorituurasho.
qorituur1  1. Ciyaar carruureed inta indhaha la is qabto qori la tuuro kaddibna la raadsho. 2. Baqtiyaanasiib lagu kala helo wax dad ka dhexeeyo. qorituur2  U q.: laba qof baqtiyaanasiib u samayn si uu mid u helo wax ka dhexeeyo labadoodaba. qorituurad  ld qorituurasho.
qorituurasho  eeg qorituuro. ld qorituurad.
qorituurid  eeg qorituur².
qorituuro  Qorituur ka qayb qaadasho (qof).
qorixarar  1. Mindi yar oo wax lagu xardho. 2. ld qorixardhe. (-ryo, m.dh) Qof wax xardha.
qorixardhe  ld qorixarar.
qormayn  eeg qormee.
qormee  Reer si qorsho leh u dejin.
qormid  eeg qoran¹.
qormo  1. Habka geedaha, dhagxaanta iwm looga qoro qalab la isticmaalo. 2. (-ooyin, m.l) Qoraal yar oo koobaya ujeeddo gaar ah. 3. Habka loo dejiyo qoysaska reerka.
qornaan  eeg qoran. ld qornaansho.
qornaansho  ld qornaan.
qorniimo  ld qorid.
qorniin  ld qorid.
qoro  1. Hadal qoraal ka dhigasho. 2. Geed, dhagax, laf iwm qalab la isticmaalo ka samaysasho. 3. Ilkaha q.: qof ilko fiiqasho. 4. Qof shaqaale ka dhigasho.
qorofol  ld qaranful.
page : 1226 of 1584
<< < 1221 1222 1223 1224 1225 1226 1227 1228 1229 1230 1231 > >>

 

Exit mobile version