Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gur
rubbaan   1. Naakhuudaha markabka ama doonida. 2. Ninka doonyaha ama maraakiibta dekedaha ku xira.
rubbad  ld rubbiyad.
rubbiyad   (dhaq.) Lacag waddanka Hindiya iyo Baakistaan laga isticmaalo. ld rubbad.
rubi  Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybshay meeshood; rubuc; waax. Tus. “Waa sagaalkii iyo r.”; “R. kiilo bariis ah”. ld rubac, rubuc.
rubisaar1  Faa'iidada la dul saarto lacag la is amaahiyey; dulsaar; korsaar; dheef. ld ribisaar¹. rubisaar2   Lacag dulsaar leh cid amaahin. ld ribisaar². rubisaarasho  eeg rubisaaro.
rubisaarid  eeg rubisaar². ld ribi-saarid.
rubisaaro   Lacag dulsaar saarasho.
rubuc   ld rubi.
rucle  Orod aan la dheeraanayn oo dadku ordo.
ruclee   Si rucle ah u ordid (qof).
rucleyn  eeg ruclee. ld rucleys.
rucleys  ld rucleyn.
rucub   Wax badan oo is-haysta isku meelna ku yaal sida miraha, ubaxa iwm.
rud   Nafley hal mar ilkaha cunto ku goosasho. ld rudh.
rudan   Cunno wax la ruday ahaansho. ld rudhan.
rudcid  eeg ruduc². ld ruduc¹.
rudh   ld rud.
rudhan   ld rudan.
rudhid  ld rudid.
rudhis  ld rudid.
rudhmo   ld rudmo.
rudhnaan  ld rudnaan.
rudhnaansho  ld rudnaan.
rudhsii   ld rudsii.
rudhsiin  ld rudsiin.
rudid  eeg rud. ld rudhid, rudhis, rudis.
rudis  ld rudid.
rudmo   In cunto ah oo hal mar ilkaha lagu goosto. ld rudhmo.
page : 1277 of 1584
<< < 1272 1273 1274 1275 1276 1277 1278 1279 1280 1281 1282 > >>

 

Exit mobile version