salbuko Nooc digirta ka mid ah oo yaryar midab cagaaranna leh.
saldanab (fiis.) Summad: Q. Astaan ay leeyihiin saxarro saleedyada oo sababta in xoogag ka dhex dhashaan. Elektaroonku waxa uu leeyahay saldanab taban, borotoonkuna saldanab togan.
saldanad ld saldano.
saldano1 1. Awood xukun. 2. Boqor-tooyo. ld saldanad. saldano2 (siyaa.) Awoodda siyaasadeed oo buuxda ee uu waddan leeyahay e uu ku maamulayo waddankiisa, ama dal ama waddan. saldhig 1. Aasaas. 2. Meel ciidan xarun u ah. 3. Rug ciidan ay ku leeyihiin dal aan kooda ahayn. 4. Maamul booliis oo heer degmo ah.
salee 1. Ku s.: wax sal u yeelid. 2. Arrin xaqiiqdeeda sugid.
saleelmac Geedgaab leh caleemo jiljilicsan oo aan jebin iyo qodxo yaryar. ld salaamaco.
salfar (kiim.) Curiye kiimiko ah oo summaddiisu tahay (S) atamka culays-kiisuna yahay 16 oo midab hurdi ah leh oo macdanta ama dhagxaanta karkarin looga miiro waxyaalo badanna lagu qabsado.
salfiyuurik-asiidh (kiim.) (H2SO4) Hoor saliidda u eg oo midablaawe ah, laguna diyaariyo habka kulanka.
salfudaansho ld salfududaan.
salfudayd Dabeecad salfudayd iyo samir la'aan leh. ld salfududaan.
salfudud Qof wuxuu samaynayo aan ka fiirsan ahaansho.
salfududaan eeg salfudud. ld sal-fudayd, salfududaansho.
salfududaansho ld salfududaan.
salgaar Ka s.: arrin iwm xaqiiqdeeda ka jiba gaarid.
salgaarid eeg salgaar.
salgamid eeg salgan².
salgan1 Dhaqdhaqaaq badan oo aan loo baahnayn oo nafleydu samayso. salgan2 Dhaqdhaqaaq badan oo aan loo baahnayn samayn (nafley). salguur1 Ciribtirmidda wax ciribtirmaan. salguur2 Wax ciribtirmid. salguurid eeg salguur².
salid ld solid.
saliib Istillaab kirishtaanka summad u ah.
saliibiyiin Ciidamadii masiixiga ahaa oo soo weerarey baytulmaqdis, Suuriya iyo meelo Falastiin ka mid ah, qarnigii kow iyo tobnaad ilaa qarnigii saddex iyo tobnaad.
saliid 1. Hoore dufan ah oo miraha dhirta qaarkeed laga miiro raashinkana lagu iidaanto. 2. Hoore layiig ah, isku qasan oo idarokarbuuri ah oo ka dhasha isbedello, ka yimid haraayo orgaaniko ah oo tiro badan, dhulka hoostiisa muddo dheer ku biirsamay oo marka la sifeeyo loo isticmaalo iftiinsasho iyo shidaal. ld seriir.
saliidee 1. Wax saliid ku darid. 2. Wax saliid marin.
saliideyn eeg saliidee. ld saliideys.
saliideys ld saliideyn.
page : 1305 of 1584
<< < 1300 1301 1302 1303 1304 1305 1306 1307 1308 1309 1310 > >>