shaabbadaysnaansho ld shaabba-daysnaan.
shaabbadayso Wax shaabbad ku dhufsasho. ld shabbadayso, shabbayso.
shaabbadee Warqad ama dukuminti shabbad la dhicid. ld shabbadee, shabbee.
shaabbah (1) U ekaanshaha wax, wax kale u ekaadaan. ld shabbah¹.
shaabbah (2) Wax, wax kale u ekaansho. ld shabbah².
shaabbihid eeg shaabbah². ld shabbihid.
shaabuug Suun dhuuban, dheer, dabo la qabsado leh oo wax lala dhaco; karbaash; jeedal.
shaabuugayn eeg shaabuugee. ld shaabuugays.
shaabuugays ld shaabuugayn.
shaabuugee Wax shaabuug la dhicid.
shaac (1) Sh. ah: wax la wada maqlo ama la wada arko oo caan noqda.
shaac (2) War iwm faafid.
shaacays 1. Qori xabbad keliyaale ah oo waayadii hore lagu dagaallami jiray. 2. Wax si aan caadi ahayn u shaqeeya. 3. ld shaacayn.
shaacbax Soo sh.: wax la wada yaqaan noqosho.
shaacbixi Wax la wada yaqaan ka dhigid.
shaacbixid eeg shaacbax.
shaacbixin eeg shaacbixi.
shaaci War iwm faafin.
shaacid eeg shaac².
shaacin eeg shaaci. ld shaacis.
shaacir Qof maansoole ah; laashin.
shaacirayn eeg shaaciree. ld shaa-cirays, shactirayn.
shaacirays ld shaacirayn.
shaaciree Shaaciro samayn. ld shactiree.
shaaciro Hadal iyo dhaqdhaqaaq loola jeedo in cid looga qosliyo. ld shactiro.
shaaciroole Qof dadka ka qosliya. ld shactiroole.
shaacis ld shaacin.
shaadali 1. Qaxwo qafiif ah oo laga sameeyo qashirka bunka. 2. Shaah badan oo duco ahaan loo baxsho.
shaadir Maro madow oo darfaha isaga tolan oo haweenka muslinka ahi dhex galaan jirkooda oo dhanna ku qariyaan; shuko.
shaafi 1. Cid bugtey caafimaadin (Eebbe). 2. Ka sh.: cid arrin ka bogsiin.
<< < 1327 1328 1329 1330 1331 1332 1333 1334 1335 1336 1337 > >>