shaasho Cudur ka yimaad nadaafad xumada oo waxyeeleeya carruurta iyo naagaha ummulaha ah.
shaashoo ld shaa-show.
shaashoobid eeg shaashow. ld shaa-shood.
shaashood ld shaashoobid.
shaashow Wax shaasho ku dhacday noqosho (carruur iyo haween). ld shaashoo.
shaashsaar1 Xaflad la sameeyo toddabaadka arooska dhammaadkiisa oo gabadha, shaash muujinaya inay gabar-nimadii ka baxday loogu saaro. shaashsaar2 Gabar la aroosay markii ugu horreysay shaash u saarid. shaashsaaran Gabadh la aroosay oo la shaash saaray ahaansho.
shaashsaarid eeg shaashsaar². ld shaashsaaris.
shaashsaaris ld shaashsaarid.
shaashsaarnaan eeg shaashsaaran. ld shaashsaarnaansho.
shaashsaarnaansho ld shaashsaar-naan.
shaati ld shaar.
shaaxid Rooti iwm aad dab loogu bisleeyay.
shaaxidi Rooti iwm aad dab ugu bisleyn.
shaaxidin eeg shaaxidi. ld shaaxidis.
shaaxidis ld shaaxidin.
shaayad 1. Jubbad yar oo aan gacmo lahayn oo shaatiga laga dul qaato. 2. Idaad xoog badan oo doonyaha lagu xiro, laguna dabto kalluunka iyo libaax-badeedka yaryar.
shabaab S. ah: nin dhallinyaro ah; barbaar.
shabaabnimo Shabaab ahaansho.
shabaag Aaladaha kallunka lagu dabto nooc ka mid ah oo ka samaysan xarko dun ah oo laysku saabcaareeyey oo wada ilo ah.
shabaako Dalool albaabka ka yar oo lagu sameeyo dhismooyinka, maraakiibta, dayuuradaha, baabuurta iwm, la xiri karo lana furi karo oo loogu talaggalay in ay hawada iyo ilaysku ka soo galaan. ld shubaako.
shabag 1. Daliigyo silig ama caag ah oo sida shabaagta u samaysan oo dhowraarin loogu talaggalo. 2. Nooc kabaha ka mid ah oo ka samaysan maas ama rabar. ld shabaq, shabaag.
shabaq ld shabag.
shabaqle Baabuur dusha sare shabaq bir ah ku leh oo maxaabiista lagu qaado.
shabashabo Cayaar ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo jiib, jaan iyo sacab leh, ragga iyo dumarkuna wada cayaaraan.
shabbaax1 1. Dabridka toogta lagu barto. 2. Dabrid. shabbaax2 1. Dabridid toog ku barasho. 2. Dabrid shiish ku tartamid. shabbaaxid eeg shabbaax².
shabbaaxtamid eeg shabbaaxtan². ld shabbaaxtan¹.
page : 1335 of 1584
<< < 1330 1331 1332 1333 1334 1335 1336 1337 1338 1339 1340 > >>