shafshafayn eeg shafshafee. ld shaf-shafo (3).
shafshafee 1. Qof ama meel dhaawac ah xayr kulul ku dhayid. 2. Qof la dhaawacay qaantiisi qayb ka mid ah siin.
shafshafo 1. (-ooyin, m.l) Cad xayr ah oo inta la kululeeyo nabar ama meel bugta lagu dhayo. 2. Hanti la siiyo qof dhaawac la gaarsiiyey. 3. ld shafshafayn.
shagcad 1. Cad. 2. Tallaabo.
shahaad1 Dadaal badan oo tacab loo galo. shahaad2 Hawl qabashadeeda tacab badan u gelid. shahaadid eeg shahaad².
shahaado 1. Qiritaanka la qiro tawxiidka. 2. (-ooyin, m.l) Warqad caddayn ah oo la siiyo qof marxalad waxbarasho dhammaystay. 3. Marqaati.
shahaadosuur Marqaati-beenaale.
shahiid1 1. Sh. ah: qof dadaal badan oo aad isu tiilaya. 2. (-dyo/-diin, m.dh) Qof fidinta diinta u dhintay. shahiid2 1. Wax si aad ah ugu dadaalid. 2. Jahaad ku dhimasho. shahiidid eeg shahiid².
shahiidnimo Shahiid ahaansho.
shahmaad1 Amakaag. shahmaad2 Ka sh.: wax aad ula yaabid. shahmaadid eeg shahmaad².
shahwad ld shahwo.
shahwo Dareere layiig ah oo ka yimaada xubnaha taranta ee laboodka; mani, mino. ld shahwad.
shajaac ld shaajac.
shajaacnimo ld shaajacnimo.
shakaal1 1. Summad alif gudban ah oo xoolaha looga sunto addinka hore. 2. Xiridda faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig iwm looga xiro. 3. Celinta gacan jaban ama dhaawacan lagu celiyo xarig qoorta suran. shakaal2 (xis.) Dhinaca ka soo horjeeda xagasha qumman ee saddex-xagal qumman. Saamiyada dhererka shakaalka iyo dhererrada dhinacyada kale waxa lagu adeegsadaa tirignoometerega si loo helo fansaarada saynka iyo koosaynka ee xaglaha. shakaal3 1. (f.g) Faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig uga xirid. 2. (f.mg) Xarig qoorta surid si gacan dhaawac ah loogu celiyo. shakaalan Wax la shakaalay ahaansho.
shakaalid eeg shakaal².
shakaalnaan eeg shakaalan. ld sha-kaalnaansho.
shakaalnaansho ld shakaalnaan.
shakad Suun shiraac ama harag ka samaysan oo jeebab badan leh xabbadahana lagu rito.
shakal1 ld sakal¹. shakal2 ld sakal².
page : 1338 of 1584
<< < 1333 1334 1335 1336 1337 1338 1339 1340 1341 1342 1343 > >>