Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: muqmadaysnaan
shanbal  (muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada oo ka samaysan qori laba qalbac ah, oo mid walba dhexda u godanyahay, marka laysku dhuftana sameeya dhawaaq kan koorta u eg.
shanboogsiis  Geednagaar aan qodax lahayn oo caleemo yaryar oo teel teel ah leh iyo ur biir ah, dhirta daawadana ka mid ah.
shanboolo  Nooc ka mid ah siyaabaha turubka loo cayaaro oo afar nin ku dheelaan hal turub oo biigga laga saaray.
shandad  Santuukh ka samaysan harag, safiito iwm leh siddo la qabsado oo safarrada lagu galo; boorso.
shanee  1. Tiro afar ah shan ka dhigid. 2. Ka sh.: cid ka guul helid.
shanfarood  Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban, caleemo yar-yar iyo miro la cuno oo ka baxa cadduun-ka.
shangeesle  Shaxan shan gees leh.
shangoyo  Ciyaar dhaqameed laga yaqaan gobolka Jigjiga.
shaniin  Nooc qaraha ka mid ah oo macaan, biyo badanna leh.
shanlayn  eeg shanlee.
shanlaysasho  eeg shanlayso.
shanlayso  Timo shanlo ku feerasho.
shanle  1. Xaashi turub oo shan dhibcood leh. 2. Buntukh shan xabbadood qaada.
shanlee  Timo iwm shanlo ku feerid.
shanley  1. Maro shan waar ah. 2. Gabay gaaban.
shanlo  Qalab caag, bir ama qori ka samaysan oo meel la qabsado iyo ilko dhaadheer oo isu dhawdhaw leh oo timaha lagu feerto.
shanqar1  ld sanqar¹. shanqar2  ld sanqar². shanqari  ld sanqari.
shanqarid  ld sanqarid.
shanqarin  ld sanqarin.
shanqartirasho  eeg shaqartiro. ld sanqartirad, sanqartirasho, shanqar-tirad.
shanqartiro  Si aan shanqar loo maqlin aayar u socosho. ld sharqartiro.
shanqid  eeg shanaq.
shansho  Xubinta u dhexeysa bowdada iyo majinta nafleyda qaarkeed.
shaqaabad  1. Rabsho; buuq. 2. Sh. ah: qof dhib badan.
shaqaale  1. Qof cid ama hay'ad u shaqeeya oo mushaar ka qaata. 2. Qof muruqmaal ah.
shaqaaqo  Rabsho; buuq; shil.
shaqaawis  Nooc ka mid ah libaax-badeedka.
shaqad  Sh. leh: ri'midab bar madow iyo bar cad isugu jira leh.
page : 1341 of 1584
<< < 1336 1337 1338 1339 1340 1341 1342 1343 1344 1345 1346 > >>

 

Exit mobile version