shillal 1. Dhis qoryo ka samaysan oo korkeeda xoolaha lagu qalo. 2. ld kullan, shillan, shillin. Geed abaareed dheer oo qodxo, qori adag iyo miro macaan oo la cuno leh; dhirta daawada laga sameeyana ka mid ah.
shillan ld shillal.
shillin (1) ld shilin¹.
shimaa ld shirmaa.
shimbir (1) Cudur ku dhaca dadka iyo xoolaha oo afka qallociya.
shimbir (2) 1. Qayb ka mid ah lafdhabarleyda, oo ugax dhasha, oo dhiig kulul, baalal leh oo duusha. 2. Shimbir meel dhexaad ah, midab qurxoon oo xasharaadka cuna. ld shinbir.
shimbircaloolo Cudur xiidmaha iyo caloosha geela uga dhaca.
shimbirlibaax 1. Shimbir af madow oo dhuuban leh, shimbiraha kalena cunta. 2. Guumays.
shimbirmalab Shimbir yar oo dayn hilatada u eg lana eg oo dadka tusta meesha malabku ku jiro iyo bahallada halista ah.
shimbiryaxaas Shimbir aan laga ag waayin yaxaaska oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hara ilkaha yaxaaska dhexdooda.
shimic ld shamac.
shin 1. Waqti. 2. Sid.
shinbir ld shimbir².
shindhalad Sh. ah: wax markuu sidkiisii dhammaystay dhashay (ilmo, bil).
shindhowee ld sid-dhowee.
shindhoweyn ld sid-dhoweyn.
shineemo 1. Golaha filimada lagu daawado. 2. Filin. ld sinee-mo.
shinni 1. Xasharaad afar baal iyo oogo xaadi ku taagtaagantahay leh oo malabka samaysa. 2. Abuur; firi.
shinnidhaab Awlallada qolalkooda yaryar oo shinnidu malabka ku kaydsato.
shinrimid eeg shinrin². ld shinrin¹ (2).
shinrin (1) 1. Neef xoolo ah oo xilligii laga rabay in uu rimo rimay. 2. ld shinrimid.
shinrin (2) Neef xoolo ah waqtigii laga filayey in uu rimo rimid.
shinsad ld shinsasho.
shinsasho eeg shinso. ld shinsad, shinsi.
shinshin Hilib karshin ah.
shinsi ld shinsasho.
shinso 1. Qof qaraaba-nimo ama saaxiibnimo awgeed wax uga filasho. 2. Wax manaafacaadkiisa isku hal-layn.
shintiri Maalmo, sanado, gu'yaal iwm tirin.
shintirin eeg shintiri. ld shintiris.
shintiris ld shintirin.
<< < 1349 1350 1351 1352 1353 1354 1355 1356 1357 1358 1359 > >>