Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: faajafaajo
shukulan2  ld sukulan. shukulasho  ld sukulasho.
shukulid  ld sukulid
shukulnaan  ld sukulnaan.
shukulnaansho  ld sukulnaan.
shukulo  ld sukulo.
shukumaan  Maro duf leh oo badanaa suuf ka samaysan oo biyaha laysaga tirtiro.
shukuxi  Digir tartiib u sukulid.
shukuxin  eeg shukuxi. ld shukuxis.
shukuxis  ld shukuxin.
shukuxsan  Digir wax la shukuxay ahaansho.
shukuxsanaan  eeg shukuxsan. ld shukuxsanaansho.
shukuxsanaansho  ld shukuxsanaan.
shulle  1. Fardaha canqawgooda hoose oo qoofalka lagu xiro. 2. Cagta dadka iyo dhudhunka meesha ay iska galaan; canqaw. ld shullo.
shullo  ld shulle.
shulshul1  1. Laalaabka googaradaha haweenka, daahyada, darii-shadaha iyo albaabadu ay ku yeeshaan meesha dulaca laga geliyo. 2. Raamaha loo yeelo darfaha maryaha qaarkood ee lagu qurxiyo. shulshul2  1. Googarad, daah iwm laalaab u yeelid. 2. Maro darfaha faraq uga yeelid. shulshulan1  Wax shulshul yeeshay noqosho. shulshulan2  Maro wax shulshul loo yeelay ahaansho. shulshulid  eeg shulshul².
shulshulmid  eeg shulshulan¹.
shulshulnaan  eeg shulshulan². ld shulshulnaansho.
shulshulnaansho  ld shulshulnaan.
shulug  Shaati dheer oo ilaa shullaha gaara oo badanaa carabtu qaadato.
shumac  ld shamac.
shumbul  Orgi yar oo gaaray da'dii uu riyaha ku orgayn lahaa.
shumbulnimo  Shumbul ahaansho.
shummayn  eeg shummee. ld shum-min, shummis.
shumme  ld shummo.
shummee  Cid dhunkasho. ld shummi.
page : 1361 of 1584
<< < 1356 1357 1358 1359 1360 1361 1362 1363 1364 1365 1366 > >>

 

Exit mobile version