sidqaad Marka ilmuhu caloosha galaan iyo marka ay dhashaan muddada u dhexey-sa.
sif Wan lax boodid.
sifaal Shay badanaa ka samaysan caw, qaab wareegsanna leh oo sooryooyinka waaweyn cuntada lagu geeyo.
sifaale Xaalad lagu suganyahay.
sifaar Nooc cawska ka mid ah kana baxa meelaha ciid guduudka ah oo xooluhu aad u cunaan.
sifayn eeg sifee. ld safayn.
sifaysan1 1. Wax nadiif ah noqosho. 2. Wax kala miirmay noqosho. ld safaysan¹. sifaysan2 Wax la nadiifiyey ahaansho. 2. Wax la sharxay ahaansho. ld safaysan². sifaysmid eeg sifaysan¹. ld safaysmid.
sifaysnaan eeg sifaysan². ld safaysnaa, safaysnaansho, sifays-naansho.
sifaysnaansho ld sifaysnaan.
sifee 1. Wax nadiifin. 2. Wax kala miirid. 3. Wax sharxid. ld safee.
sifid eeg sif.
sifir Sullan; isir; walcan.
sifo 1. Sharraxa wax la sharxo. 2. Astan iwm oo wax gaar u leeyihiin.
sifo2 (nax.) Guud ahaan waxaa sifo loo yaqaannaa dir faahfaahisa ama sifaysa dirta magaca, haseyeeshee waxaa jira afaf ka mid ah af-soomaaliga, oo dirta sifadu ay dhismo ahaan u dhaqanto sida falalka (eeg fal-sifo). sifoobid eeg sifow.
sifow Ku s.: wax caan ku noqosho.
sifsif1 Tolmada dharka oo si gaar ah dunta la isaga kor boodbootiyo. sifsif2 Tolmada dharka si gaar ah dunta isaga kor boodbootin. sifsifid eeg sifsif².
sig 1. Wax halis u dhawayn. 2. Wax u dhawaasho.
sigaar Tubaako shiidan oo xaashi khafiif ah lagu duubay oo laga qiijiyo. ld saka-reed.
sigaaryacab Qof sigaarka qiijiya.
sigad ld sigasho.
sigan Wax halis u dhow ahaansho.
sigasho eeg sigo. ld sigad.
sigid eeg sig.
sigis Maro si gaar ah loo tolay oo cagaha la gashado intaan kabaha la illan.
signaan eeg sigan. ld signaansho.
page : 1368 of 1584
<< < 1363 1364 1365 1366 1367 1368 1369 1370 1371 1372 1373 > >>