soddomeeye ld soddomeeyo.
soddomeeyo Tiro soddon ku dhawaad ah. ld soddomeeye.
soddon Tiro ka kooban saddex tobnaad oo laysku daray.
soddonaad (1) ld soddomaad¹.
soddonaad (2) ld soddomaad².
soddoneeye Tiro qiyaas ahaan soddon u dhow. ld soddomeeye.
sogob Orgi xaniinyo bax-san.
sogordah (1) Maldahidda hadal iwm la maldaho. ld sogordahid.
sogordah (2) Hadal iwm maldahid; wax sarbeebid.
sogordahan Hadal wax la maldahay ahaansho.
sogordahid eeg sogordah². ld sogor-dah¹.
sogordahnaan eeg sogordahan. ld sogordahnaansho.
sogordahnaansho ld sogordahnaan.
sogsog 1. Geed weyn, bilcilka u eg oo xabag iyo mayrax leh. 2. S. ah: nafley caato ah.
sokay ld soke.
sokayn eeg sokee.
soke (1) Meel durugsan, halka ka sokeeya; meel dhow. Tus. “Togga sokadiisa ayay degganyihiin”.
soke (2) ld suke.
sokee Wax, wax kale ka dhow noqosho.
sokeeye Dad xiriir wada dhalasho wadaaga; xigto; qaraabo.
sokeeyennimo Sokeeye ahaansho.
sokor Dhacaan aad u macaan oo geedka qasabka laga miiro, oo inta la farsameeyo laga dhigo budo badanaa cadcad oo wax lagu macaansado. ld son-kor.
sokornabaad Sonkor kuuskuusan oo badanaa sida nacnaca carruurtu u cunto; sonkordhagax. ld sokornabaad.
sokow Ka s.: waxa ka dambeeya.
sol 1. Hilib iyadoo aan weel iyo biyo la isticmaalin dab ku bislayn. 2. Biyo ku harraad-belid. ld sal³.
solan Wax la solay ahansho.
solansii Ilaah, cid wax garansiin.
solansiin eeg solnsii.
solasho eeg solo.
solay Hilib iyadoo aan biyo iyo weel la isticmaalin dab lagu bisleeyey.
<< < 1377 1378 1379 1380 1381 1382 1383 1384 1385 1386 1387 > >>