cadayo1 ld cadanyo. cadayo2 Ilko caday ku nadiifsasho. cadayoo ld cadanyoo.
cadayood ld cadanyood.
cadbaar (cadadbaar, m.l) (daaw.) Cad yar oo laga jaro xubin ka mid ah jirka si loogu baaro waynaysada waana habka ugu saxsan oo lagu sugo aqoonsiga kansarka.
cadcad1 Waxaro yaryar oo aan weli ababin. cadcad2 1. Ka c.: qof, qof kale ka firfircoon ahaansho. 2. Bar cadcad lahaansho. cadcadaysan Wax la cadcadeeyey ahaansho. ld cadadaysan.
cadcadaysnaan eeg cadcadaysan. ld cadcadaysnaansho, cadadaysnaan, cada-daysnaansho.
cadcadaysnaansho ld cadcadaysnaan.
cadcaddaan eeg cadcad. ld cadcad-daansho.
cadcaddaansho ld cadcaddaan.
cadcaddee Roob da'ay biyo aan badnayn oo aan rays fiican yeelan karin dhigid.
cadcaddey Ubad xoolaad oo caano nuug ah.
cadcaddeyn eeg cadcaddee. ld cadcaddeys (2).
cadcaddeys 1. Roob yar aan dhulka biyo dhigin. 2. ld cadcaddeyn.
cadcaddo 1. Nooc dhuugga ka mid ah, yaryar, leh midab cad oo meeshi uu ku dhego aan si sahlan uga kicin. 2. C. ah: roob yar oo aan dhulka biyo dhigin.
cadcadee Wax gaballo yaryar ka dhigid. ld cadadee.
cadcadeyn eeg cadcadee. ld cadadeyn.
cadcadoobid eeg cadcadow. ld cadadoobid.
cadcadow Wax cadcad ah noqosho. ld cadadow.
cadceed 1. Xiddigta weyn oo dhulka iyo meerayaasha kale ku meeraystaan, iftiin leh; qorrax. 2. Iftiinka qoraaxda ee barqada iyo galabta.
cadceed-dhac Qorraxdhac.
cadceedsad ld cadceedsasho.
cadceedsasho eeg cadceedso. ld cadceedsad, cadceedsi.
cadceedsi ld cadceedsasho.
cadceedsidhac Qorraxsidhac.
cadceedso 1. Galab dhanka qorraxdu jirto aadid. 2. Diinkabixid; gaaloobid. 3. Jid ama meel ka habaabid.
cadceedsoobax Qorraxsoobbax.
caddaad 1. ld caddow 1. Cudur dadka ku dhaca oo oogadu cadcaddaato; baras. 2. Dhar midab baxay.
page : 15 of 95
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>