namiinid eeg namiin ². Namiin ahaansho. ld nabiibid.
namiinnimo Namiin ahaansho. ld nabiibnimo.
namuun 1. Nooc. 2. Midab. ld namuunad, namuuno.
namuunad ld namuun.
namuuno ld namuun.
nanashaaddo 1. Farax, fahmo, firfircooni. 2. Wax si xiiso iyo rabitaan leh loo qabto. 3. Daal iyo jiljileec la'aan.
naq1 1. Caleenta iyo cawska ay soo saaraan biyo ama roob; doog; tigaad. 2. Hadal dood iyo dacwad isugu jira. naq2 1. (f.g) Wax meeshii uu ka yimid ku celin. 2. (f.g) Gar qaadid. 3. (f.g) Cid dood iyo dacwo u jeedin. 4. (f.mg) U n.: u meerin, u akhrin. 5. (f.mg) Ku n.: ku celi. naqad Lacag caddaan ah. ld naqdi¹ (2).
naqan 1. Gar la xalliyay ahaansho. 2. Wax yar ahaansho.
naqas 1. Neef aan ur wanaagsan lahayn. 2. Neefta dadka uurkiisa ku jirta.
naqash1 Xarar ama midab wax lagu qurxiyo. naqash2 Wax xardhid ama midab ku qurxin. naqayn eeg naqee.
naqaysad ld naqaysasho.
naqaysasho eeg naqayso. ld naqaysad.
naqayso 1. (f.g) Wax inta fiican kala bixid; xulasho. 2. (f.mg) Naq daaqid (xoolo).
naqdac Caws guryaha carshaanta ah dusha laga saaro oo lagu dedo oo ka baxa meelaha webiyada agagaarkooda ah; gargoof.
naqdi1 1. Dood looga faalloodo wax wanaaggiisa ama dhalliishiisa. 2. ld naqad. naqdi2 Wax wanaaggiisa ama dhaliishiisa sheegid. naqdiyid eeg naqdi².
naqee Wax xulid.
naqid eeg naq². ld niqid.
naqiisad Biro yaryar oo isgala oo shukaanta iyo doonida isu haya.
naqil Ku n.: wax meel ku qoran meel kale ku guurin.
naqilid eeg naqil.
naqraac1 Guuridda la aado meel naq leh. ld naqraacid. naqraac2 Meel naq leh u guurid. naqraacid eeg naqraac². ld naqraac¹.
naqsan 1. Wax la celiyay ahaansho. 2. Gar la xalliyay ahaansho.
page : 15 of 35
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>