taajirid eeg taajir².
taajirnimo Faajir ahaansho.
taajis ld taajin.
taakalleel Tallan; wiswis; shaki.
taakee 1. Wax taako ku cabbirid. 2. Wax taako u dhigid. ld taaki.
taakeyn eeg taakee. ld taakin.
taakh Wax qof waqti ka lumiya ama seejiya faa'ido; luggooyo.
taaki ld taakee.
taakin ld taakeyn.
taakiso Jaad diir diirta ka mid ah oo la moodo markay soconayso inay wax taakinayso.
taako 1. Cabbiraadda suulka gacanta iyo fardhexaadda oo fidsan u dhexeysa. 2. Wax, wax kale lagu hakiyo.
taakul Cid kaalmo siin. ld taakulee.
taakulayn ld taakulid.
taakulee ld taakul.
taakulid taakul. ld taakulayn, taakulo.
taakulo ld taakulid.
taalaasemiiya (daaw.) Cudur dhiigga ku dhaca oo la iska dhaxlo, kuna badan dalalka badda dhexe, Eeshiya iyo Afrika; waxaan caadi ahayn qaybta borotiinka ee heemogolobiinka. Unugyada cascas ee cudurku saameeyo caadi uma shaqeyn karaan, waana burburaan, taas oo keeneysa dhiig yari.
taallaquf Raaf dhul ku xoqid si uu u guulo dibi kale (dibi).
taallaqufid eeg taallaquf.
taallatiriyaad Dhagxaan tiro badan oo sida buur yar u habaysan oo dadkii hore xabaasha madaxdooda ku dhisi jireen.
taallaxusuuseed Taallo wax lagu xusuusto.
taallayn eeg taallee.
taallee Wax isku kor tubid.
taallo 1. Dhis ama wax korka la iska saarsaaray oo kor loo dheereeyey. 2. Dhis lagu muuneeyo oo lagu xusuusto wax dhacay oo taariikh leh, ama qof, wax weyn oo waxtar ah, oo aan la illawi karin, dadkiisa ama dalkiisa u sameeyey. Tus. “T. xusuuseed”.
taaloog1 Hab timaha ragga loo xiiro oo diillin ballaaran oo qurxoon laga muujiyo jeegada hoose ilaa labada dhegood dushooda. taaloog2 Diillin ballaaran oo qurxoon, jeegada hoose ilaa labada dhegood dushooda ka muujin iyadoo timaha la xiirayo. taaloogan Wax taaloog leh ahaansho (qof).
taaloogasho eeg taaloogo.
taaloogid eeg taaloog².
taaloognaan eeg taaloogan. ld taa-loognaansho.
page : 1404 of 1584
<< < 1399 1400 1401 1402 1403 1404 1405 1406 1407 1408 1409 > >>