Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: yeeg-bisaliim
talasaaro Cid arrin u wakiilasho.
talaxgab (1) ld talaxgabid.
talaxgab (2) Nafley jirro awgeed la tamardhigid.
talaxgabid eeg talaxgab². ld talaxgab¹.
talaxtag Ku t.: wax aad ugu xadgudbid.
talaxtegid eeg talaxtag.
taleefan 1. Qalab hirar birlab danabeedka ku qaada silig oo leh qayb hadalka dirta iyo mid qabata oo ay ku wada hadlaan laba qof oo kala fog. 2. Hadalka taleefoonka la isku gaarsiiyo. ld telefoon.
talfiiq Qoryo yaryar oo caarad dhuuban oo wax mudda leh.
tali 1. U t.: cid meel xukumid. 2. Ka t.: meel xukunkeeda qabsasho. 3. Ku t.: arrin talo ka bixin.
talin eeg tali. ld talis.
talis ld talin.
talis-rageed (bul.) Habka ay raggu leeyihiin awoodda sare, ama ay muhim u yihiin mujtamaca dhexdiisa.
taliswadaag Kalo qaysashada awoodda.
taliye Qof qayb ciidan ah madax u ah.
tallaab Meel dhanka kale uga gudbid. ld tillaab.
tallaabi Wax meel ka gudbin. ld tillaabi.
tallaabid eeg tallaab. ld tillaabid.
tallaabin eeg tallaabi. ld tallaabis, tillaabin, tillaabis.
tallaabis ld tallaabin.
tallaabo 1. Fogaanta u dhexeysa meesha ay kala taagan yihiin laba lugood ee qof soconaya. 2. T. qaad: arrin wax ka qabasho. 3. (fk) T.t.: tartiib tartiib. ld tillaabo.
tallaabsad ld tallaabsasho.
tallaabsaddex 1. Tallaabada ugu dheer. 2. Wax qof karaankiisa dhaafsan.
tallaabsan Ka t.: wax meel kale ka shisheeya ahaansho.
tallaabsanaan eeg tallaabsan. ld tallaabsanaansho, tallowsanaan, tallow-sanaansho.
tallaabsanaansho ld tallaabsanaan.
tallaabsasho eeg tallabso. ld tallaabsad, tallaabsi, tillaabsad, tillaab-sasho.
tallaabsi ld tallaabsasho.
tallaabso 1. Tallaabo qaadid. 2. Ka t.: wax ama qof ka kor gudbid. 3. Ku t.: wax qabashadooda ku dhaqaaqid. 4. U t.: wax qabashadooda u gudbid. ld tillaabso.
tallaahi (dii.) Erey lagu dhawaaqo marka la dhaaranayo.
tallaajad Qaboojiye.
<< < 1412 1413 1414 1415 1416 1417 1418 1419 1420 1421 1422 > >>

 

Exit mobile version