Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: mudniin
tareen  Gaadiid ka kooban gaariyaal badan oo isku xiriira oo midka u horreeyaa ee wax jiidayaa matoor saaran yahay kuna orda jid bir ah. ld tariin.
targal  1. Sarwaal hoos ka dhuuban oo badanaa fardaha lagu fuulo.2. Sarwaal.
tarid  eeg tar³. ld tar¹ (2).
tariib1  Nabarro yaryar oo jirku yeesho oo ka qaado dhirta caanaha leh qaarkood. tariib2  Nabarro yaryar oo jirku yeesho dhirta caanaha leh qaarkeed ka qaadid. tariibid  eef tariib².
tariin  ld tareen.
tarjimad  ld tarjumo.
tarjiman  ld tarju-man.
tarjime  ld tarjume.
tarjimid  ld tarjumid.
tarjimnaan  ld tarjumnaan.
tarjimnaansho  ld tarjumnaan.
tarjimo  ld tarjumo.
tarjin  ld tarjun.
tarjumad  ld tarjumo.
tarjuman  Qoraal iwm wax la tarjumay ahaansho. ld tarjiman, turjuman.
tarjume  Fasire. ld tarjime, turjume.
tarjumid  eeg tarjun. ld tarjimid, tarjumo, turjumid.
tarjumnaan  eeg tarjuman. ld tarjimnaan, tarjimnaansho, tarjum-naansho.
tarjumnaansho  ld tarjumnaan.
tarjumo  Wax lagu fasiray af kale. ld tarjimad, tarjimo, tarjumad, turjumad, turjumo.
tarjun  1. Qoraal af kale ku beddelid. 2. Ka t.: cid wax ay sheegto cid kale u fasirid. ld tarjin, turjun.
tarlaash  Fargan.
tarmi  Wax tiradooda badin.
tarmid  eeg taran 2 ld taran¹, taranti.
tarmin  eeg tarmi.
tarmuus  Weel gudihiisa dhalo aan hawo lahayn ku jirto oo wixii lagu shubo xaaladdiisa ku haya in muddo ah. ld termuus.
tarniig  Bir fidsan oo qiro yar leh oo guryaha dusha laga saaro; jiingad. ld terniig.
taroox  Qof tuugannimo u banbaxay.
page : 1424 of 1584
<< < 1419 1420 1421 1422 1423 1424 1425 1426 1427 1428 1429 > >>

 

Exit mobile version