tiim 1. Koox cayaartoy ah. 2. Koox dad ah oo hawl gaar ah fulisa.
tiimbad ld tiimbasho.
tiimbasho eeg tiimbo. ld tiimbad.
tiimbi Wax biyo quusin.
tiimbin eeg tiimbi.
tiimbo Biyo is quusin.
tiimis Gabay la soo diyaariyey.
tiin1 1. Geed aan caleemo lahayn oo korkiisa qodxo ku wada rogon; miraha geedkaas. 2. Macdan. tiin2 ld tiinna². tiingaa Garannuug dheddig oo qaan-gaar ah.
tiingaarasho eeg tiingaaro.
tiingaaro Cunto ama sharaab aad uga dhergid.
tiiniya (c.nafl.) Nooc gooryaanka ka mid ah oo qaarkood ay ku dul noolyihiin xiidmaha dadka.
tiinna1 (kuwiinna, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. tiinna2 Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tus. “Waa la ogaaday sirtiinna”. ld tiin². tiiqtiiqsasho eeg tiiqtiiqso. ld tiiq-tiiqsi.
tiiqtiiqsi ld tiiqtiiqsasho.
tiiqtiiqso 1. Cid ku digasho. 2. Arrin si qeexan uga hadlid.
tiir1 1. (-rar,m.l) Qori sida usha u toosan oo xoog badan oo badanaa dheer oo inta dhulka lagu mudo wax celiya ama xoog tara; udub. 2. Dhis kasta oo qaabka iyo waxtarka tiirka leh. 3. T.ka kalabbarka mara oo caaradda iyo salka isu haya (caleen, waran iwm). 4. Kan u dhexeeya sanka labadiisa dul. tiir2 Neef ku soo biiray xayn xoola ah la collobid, hinaaso awgeed. tiiraanyayn eeg tiiraanyee.
tiiraanyaysan Qof murugsan ahaansho.
tiiraanyaysnaan eeg tiiraanyaysan. ld tiiraanyaysnaansho.
tiiraanyaysnaansho ld tiiraanyays-naan.
tiiraanyee Cid tiiraanyo ku abuurid.
tiiraanyo Arrin lala murugoodo, caloolxumo, uurkutaallo.
tiiraanyoo Tiiraanyo dareemid.
tiiraanyood eeg tiiraanyoo.
tiire Geed iskiisa isaga baxa oo xididdadiisa u ah dawo nooc ka mid ah dhiigyarida carruurta.
tiirfoorara (jool.) Kolon walax macdaneed ah oo ka soo lulata bar kore, muuqaal ahaan waxay u egtahay ul-baraf, Tusaalaha ugu caansani waa didibka oo inta badan laga helo isagoo ka soo lusha dedka god dhagax nuuradeed.
page : 1437 of 1584
<< < 1432 1433 1434 1435 1436 1437 1438 1439 1440 1441 1442 > >>