Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: kelmi
biish-bisaliim ld saliim-bibanji.
biish-bishiish ld shiish-bibanji.
biish-biyeeg ld yeeg-bibiish.
biishad Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min shan dhibcood ku leh. ld banjiyad.
biitaysad ld biitaysasho.
biitaysasho eeg biitayso. ld biitaysad, biitaysi.
biitaysi Guuguun. ld biitaysasho.
biitayso Biito ciyaarid.
biito Ciyaar-carruureed fadhiga lagu dheelo, oo inta lugaha la fidiyo, wax la tiriyo oo qofka ay tiradaasi ku dhammaato lugihiisa mid laabo; guunguun.
biixi 1. Lafaha dhaardheer oo ad'adag oo naflayda middooda. 2. Qayb laf ah. 3. B. ah: qof caato ah ee aad xoog u leh.
biixiweyn (c.nafl.) Lafdhabarleyda berriga ku nool, addimadooda dambe (kubka), labadiisa lafood tan weyn.
bijaamo Isku joog ka kooban surwaal iyo shaati ka samaysan dhar jilicsan oo la gashado marka la seexanayo.
bikaac Cod lagu muujiyo bikaacsashada; b. dheh; b. ka sii.
bikaaco (fiis.) Walax kasta oo ileys mootiye ah, lehna hal dhinac oo xoodan ama labada dhinacba xoodan. Bikaacada waxa lagu tilmaansadaa nooca dulaheeda ama raadka duluhu ku leeyihiin dhud ileys.
bikaacsad ld bikaacsasho.
bikaacsasho eeg bikaacso. ld bikaacsad, bikaacsi.
bikaacsi ld bikaacsasho.
bikaacso Kala qaadid, kala qabasho (il iwm).
bikil (1) Inta weel qaado; mug.
bikil (2) Weel inta uu qaado ku shubid.
bikilan (1) Weel wax buuxsamay noqosho.
bikilan (2) Weel wax la bikilay ahaansho.
bikilid eeg bikil².
bikilmid eeg bikilan¹.
bikilnaan eeg bikilan². ld bikilnaansho.
bikilnaansho ld bikilnaan.
bikrad Inan gabarnimadeeda qabta oo aan weli rag la gogolgelin; cadrad.
bikrajebi Gabar cadradnimada ka bi'in.
bikrajebin eeg bikrajebi. ld bikrajebis.
bikrajebis ld bikrajebin.
<< < 140 141 142 143 144 145 146 147 148 149 150 > >>

 

Exit mobile version