Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: mudniin
tirjiso  ld tirigso.
tirnaan  eeg tiran. ld tirnaansho.
tirnaansho  ld tirnaan.
tirniin  ld tirid.
tiro1  1. Hab lagu garto kolka mid mid loo soo qaado kaddib, inta inood oo wax ka koobanyahay. 2. Ari ka kooban boqol (100) neef. 3. T. iyo tayo: caddad iyo qaayo. tiro2  1. (xis.) Summado loo adeegsado tirinta iyo cabbirid- da.Tirooyinka hadda guud ahaan la adeegsado waxa ay ku salaysanyihiin habdhis salkiisu yahay Hindi-Carab. 2. (xis.) Tiro kasta oo ah maangal ama murakab waxa jiro noocyo badan oo tirooyin ah: (b) tirsiimo (abyoone togan) (t) tiro idil (j) abyooneyaasha (x) tiro lakab ah (kh) tiro lakab la'. 3. (nax.) Koox naxweed oo waxqabadkeedu yahay in ay tilmaanto cadad dad, xayawaan iyo shay oo giddigooda ah tirsamayaal. Tus. “Kow, labo, qof”; tirada lidka isku ah waa keli iyo wadar (mid/dhawr). tiro3  Wax meel ka ba'sasho. tiro Afogaadro  (kiim.) Tirada atamada ama molikuyuulada ee ku jira hal mool oo walax ah. Qiimaheeduna waa 6.022 x 10 ; waxa hore loo oran jiray tirada Afogaadaro, waxaana lagu asteeyaa sum-madda NA ama L.
tiro atameed  Summad Z. Tirada borotoonno ee ku jira bu'da atam, le'egna tirada elektaroonnada ku dul wareegaya bu'da, marka atamku uu yahay dhexdhexaad.
tiro dhaban  (xis) Abyoone haraa la'aan u qaybsama tirada laba; ama waa tiro idil oo aan ahayn kisi. Tusaale ahaan 6, 14 ama 24 waa tirooyin dhaban ah, waayo, 2 haraa la'aan bay qaybisaa tirooyinkaasi.
tiro kisi  (xis.) Haraa la'aan tirada aan u qaybsami karin labo.
tiro lakab  (xis.) Tiro maangal ah oo loo qori karo abyoone ahaan ama qaybta laba abyone. Tusaale ahaan, 1, 7, 540, 1/2 iyo 3/4 waa tirooyin lakab ah. (Barbardhig tiro lakab la').
tiro maangal  (xis.) Summad R: urur ka kooban dhammaan tirooyinka lakab ah iyo kuwa lakabka la'.
tiro murakab  (xis.) Tiro leh sansaanka a + ib, taas oo a iyo b ay yihiin tirooyin maangal ah oo i=V-1 (ama i2=-1) a waxa la yiraahdaa qaybta maangalka ah, ib-na qaybta khayaaliga ah.
tiro-dhalasho  Lambarka dhallaanka nool oo sannad gudihiis dhasha 1000 kii naagood da'doodu u dhexeysa (15-44) sano da'da dhalidda.
tiro-dhimasho  Tirada dhimashada dadweynaha ee muddo cayinan dhexdeed. Tirada dhimasho sanadeedka waa tirada inta dhimatay oo diiwaangashan ee sannad gudihiis oo lagu dhuftay (x) 1000 loona qaybshay tirada dadka uu le'egyahay sannadka bartamihiisa.
tirobeel  1. (xis.) (Summad '8') xadla'aan ka weyn tiro ama soohdin kasta oo maguuraan ah. Tusaale ahaan, ururka tirooyinka idil. 2. (xis.) Qiimaha xaddi oo u kordha xad la'aan. Tusaale ahaan, haddii y = 1/x, markaa y waxa ay sigaysa tirobeel marka x ay siqdo 0.
tirobeel-yare  (xis.) Doorsoome uu xadkiisu yahay eber. Laba doorsoome sida x iyo y oo mid kasta ku dhowaado eber, waa tirobeel yare oo isku heer ah haddii saamiga x uu yahay koobane oo aan ku dhowaan eber. Haddii x/y --> o, x waxa ay leeyahay tirobeel yare heerkiisa ka sarreeya kan y iyo haddii x/y --> '8?', xi waxay leedahay heer ka hooseeya kan y.
tirooyin-khayaali  (xis.) Tiro murakab ah oo leh sansanka a+bi oo b aan la'ekayn eber, aas oo, a iyo b yihiin tirooyin maangal ah, iyo i = -1. Ama waa tiro labajibbaarkeedu uu yahay tabane.
tirooyinka lakab la'  (xis.) Tiro maangal ah oo aan loo qori karin abyoone ahaan ama aan loo qori karin qaybta la'aa abyoone. Tirooyinka lakabka la'waa akoobane, jajab tobanle aan soo noqnoqon.
tirosin aritmatig  (xis.) Tirosinka aritmatig ee urur ka kooban n-tiro waa wadarta n-da tiro oo loo qaybiyey tirada tirooyinka. Tusaale ahaan, tirosinka aritmatig ee ururka {1, 4, 3, 0, 1, 2,ì 1, 4} waa (1+4+3+0+1+2+1+4): 8 = 16 : 8 = 2.
tirsame  Magac oggolaada in uu noqdo wadar, wuxuuna tilmaamaa wax tirsama. Tus. “buug, qalin, qof, iwm”.
tirsan  1. Wax la tiriyey ahaansho. 2. Ka t.: wax, wax kale ka mid ah ahaansho. 3. Ku t.: wax, wax kale ku jira ahaansho.
tirsanaan  eeg tirsan. ld tirsanaansho.
tirsanaansho  ld tirsanaan.
tirsasho  eeg tirso. ld tirsi (2).
tirsi  1. Tiro taxan mid ka mid ah. 2. ld tirsasho.
tirsiimo  Abyooneyaasha togan ee 1 ,2 ,3... ayaa lagu magacaabaa tirooyinka tirsiimo, waxa kale oo la yiraahdaa tirooyinka wax lagu tirsado ama abyooneyaasha togan (eeg abyoone).
tirsiis  Xoolaha inteeda dheddig ee xilliga rimi karta.
tirso  1. (f.g) Wax xisaabasho. 2. (f.g) Ka t.: cid xumaan u geysasho. 3. (f.g) Ka t.: cid xil kala wareegid. 4. (f.mg) La t.: qof la caytamid.
page : 1442 of 1584
<< < 1437 1438 1439 1440 1441 1442 1443 1444 1445 1446 1447 > >>

 

Exit mobile version