Tiro

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

1. Hab lagu garto kolka mid mid loo soo qaado kaddib, inta inood oo wax ka koobanyahay. 2. Ari ka kooban boqol (100) neef. 3. T. iyo tayo: caddad iyo qaayo.

Tiro

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

1. (xis.) Summado loo adeegsado tirinta iyo cabbirid- da.Tirooyinka hadda guud ahaan la adeegsado waxa ay ku salaysanyihiin habdhis salkiisu yahay Hindi-Carab. 2. (xis.) Tiro kasta oo ah maangal ama murakab waxa jiro noocyo badan oo tirooyin ah: (b) tirsiimo (abyoone togan) (t) tiro idil (j) abyooneyaasha (x) tiro lakab ah (kh) tiro lakab la'. 3. (nax.) Koox naxweed oo waxqabadkeedu yahay in ay tilmaanto cadad dad, xayawaan iyo shay oo giddigooda ah tirsamayaal. Tus. “Kow, labo, qof”; tirada lidka isku ah waa keli iyo wadar (mid/dhawr).

Tiro

Qaabnaxa: Fal Gudbe3 | Verb Transitive3 Isrogrogga: (-rtay, -ratay)

Wax meel ka ba'sasho.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga tiro

eber | jaabajaabo | gaalis | gaalis-furan | gaalis-xidhan | jaantus Argrand | kaaliyam | laandheere | oodan | raadtiro |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg