uruursanaansho ld aruursanaan.
uruursasho ld aruursasho.
uruurso ld aruurso.
us Aamus!
usar ld unsar.
usduurad ld usduuro.
usduuro Dhacdo taariikheed oo sooyaal ah, oo wax laga beddelay qaabkeeda hore. ld asduurad, usduurad.
uskag Wasakh ku taal jir dad ama dhar. ld uskug.
uskag-galeen Jir dad meesha wasakh qabatinka leh.
uskagayn eeg uskagee.
uskagee Wax uskag u yeelid.
uskagoobid eeg uskagow.
uskagow Uskag yeelasho.
uskug ld uskag.
ustaad Macallin; bare. ld astaad.
usur Dhul jiq ah oo aan la mari karin.
utun Godob weyn; aano.
uu1 Magacuyaal tilmaamaya qofka saddexaad ee kelida lab ah (kan laga hadlayo). Tus. “Wuxuu rabaa inuu wax ka barto” uu2 Erey dareen oo tilmaamaya wax kedo ah ama wax naxdin ah, iwm. uub 1. Carun ka yimaad xubinta taranka ee nafley dhashay. 2. (-bo, m.l) God dhuuban oo hoos u dheer.
uubatee 1. Sida uubatada u ciyid. 2. Qaylo dheer cid maqashiin.
uubateyn eeg uubatee.
uubato 1. Bahal eeyga u eg: yey; yeey; uuley. 2. Qaylo dheer.
uubo ld uub.
uud Daaq; caws.
uufannaa ld uufannays.
uufannays 1. U. ah: maroodi markaa dhashay ama beriyo jiray. 2. (m.l.u) U. ah: dad aan meel loogu hagaago lahayn. ld uufannaa.
uugaabid eeg uugaw².
uugaabo Qaylo kicin iyo tirtirsi leh oo dad loo jeediyo; guubaabo.
uugaami Geel in uu uugaan sameeyo ku kallifid.
page : 1470 of 1584
<< < 1465 1466 1467 1468 1469 1470 1471 1472 1473 1474 1475 > >>