dhirir Mugga sacab fidsan.
dhirirtayn eeg dhirirtee.
dhirirtaysasho eeg dhirirtayso. ld dhirirtaysi.
dhirirtaysi ld dhirirtaysasho.
dhirirtayso Badar sacab ku qaybsasho.
dhirirtee Badar sacab ku qaybin.
dhirqaad Meel geedaha ku yaal oo dhan ka goyn si loo beero.
dhirqaadid eeg dhirqaad.
dhirrici ld dharrici.
dhirxagato Nafleyda inteeda cunta dubka sare ee geedaha.
dhis1 1. Dh. ah: harag iwm la togay. 2. ld dhigid. dhis2 Qoryaha, sarabka iwm ee guryaha qaarkood lagu dhiso. dhis3 1. Aqal, dugsi, iwm samayn. 2. Xubno dowlad cusub magcaabid. 3. Qoys cusub asaasid. 4. Harag qoyan ama wax la mid ah inta la kala bixiyo engejin. 5. Qof qurxin. dhisaal1 Dh. ah: xirmooyin dhis, sisin iwm oo meel ku urursan. dhisaal2 Xirmooyin, dhis, sisin, iwm. meel ku ururin. dhisaalan Wax meel lagu ururiyey ahaansho (xirmooyin dhis, sisin iwm).
dhisaalasho eeg dhisaalo.
dhisaalid eeg dhisaal².
dhisaalnaan eeg dhisaalan. ld dhisaalnaansho.
dhisaalnaansho ld dhisaalnaan.
dhisaalo Dhisaal sameysasho (qof).
dhisad ld dhisasho.
dhisan1 1. Aqal, dugsi iwm wax la sameeyey noqosho. Xubno dowladeed oo cusub wax la magcaabay noqosho. 3. Qoys cusub wax la aasaasay noqosho. 4. Harag qoyan oo la togay wax la engejiyay noqosho. 5. Wax jira oo tiirar adag leh noqosho. dhisan2 1. Aqal, dugsi iwm wax ka sameeyey ahaansho. 2. Xubno dawladeed oo cusub wax la magcaabay ahaansho. 3. Qoys cusub wax la aasaasay ahaansho. 4. Harag qoyan oo la togay wax la engejiyay ahaansho. 5. Qof wax la qurxiyay ahaansho. 6. Wax jira oo tiirar adag leh ahaansho. dhisasho eeg dhiso. ld dhisad.
dhise Fuundi; wastaad.
dhisid eeg dhis³. ld dhis¹ (3), dhisniin.
dhisiq Geed weyn, sal balaran, caleemo yaryar, qori adag, har yar leh oo kooraha, fandhaalada iwm laga qoro. ld bisiq, dhosoq.
dhisme Dhismo shay sida, waddan, mujtamac, ama ururo salkoodu uu yahay, sida hawlaha kala duwan ee ay qabtaan, iyo qalabka loo baahan in lagu fuliyo.
dhismid eeg dhisan¹.
page : 148 of 218
<< < 143 144 145 146 147 148 149 150 151 152 153 > >>