wacalnimo Wacal ahaansho.
wacan 1. Wax wanaagsan ahaansho. 2. Ugu w.: sabab u ahaansho (wax).
wacanri ld wacaari.
wacays Samaan; wanaag.
wacdaro Wax la yaab leh.
wacdi1 Waano; hanuunis. wacdi2 Waano diimeed oo xumaha laysaga reebayo samahana laysku farayo dad u jeedin; waanin; hanuunin. wacdin ld wacdiyid.
wacdiyid eeg wacdi². ld wacdin.
wacnaan eeg wacan. ld wacnaansho.
wacnaansho ld wacnaan.
wacyi Heerka fahamka nolosha bulshada.
wacyigelin Heerka fahamka nolosha bulshada kor u qaadid, khordin.
wad1 1. (f.g) Xoolo, dad iwm meel ay joogeen ka kaxeyn. 2. Gaadid (markab, baabuur, iwm) meel ka kaxayn. 3. (f.g) Hawl la hayey sii fulin. 4. (f.mg) Ku w.: wax mala-awaalid. Tus. “Waxaan ku wadaa in uu maanta cali imaan doono”. wad2 ld wed¹. wada 1. Qurub tilmaamaya wax isla samayn. Tus. “Aan w. hadalno waa aan heshiinno”. 2. Qurub tilmaamaya in aan wax wax ka maqnayn. Tus. “Waa w. yimaadeen”; “Wargeysyada w. qaado!”.
wada noolaansho Isdhex gal ka dhex dhaca laba xayawaan ama laba sinji oo geedo ah, kuwaas oo wada nool, oo mid kamid ahi isdhex galkooda ka faaidaysanayo, ka kalena wax dhibaato ahi ka soo gaadhayn.
wadaad Nin diinta islaamka wax ka bartay kuna camalfala oo dhowrsan.
wadaaddee Wadaad iska dhigid ama isu ekeyn.
wadaaddeyn eeg wadaaddee.
wadaadnimo Wadaad ahaansho.
wadaag1 Wax dad badan ka dhexeeya oo aanu qofna gaar u lahayn. wadaag2 La w.: wax qaybsashadooda ama manaafacaadsigooda cid kale la qaybsasho. wadaage 1. Wax wareegsan sida garangarta, gadawga iwm meesha kala barta. 2. Meesha waxyaalo badan oo isku xirani isugu yimaadaan ama iska haystaan. 3. Meesha dhudaha caynaanku isaga yimaadaan (heense).
wadaagid eeg wadaag².
wadaaji 1. Dad wax ka dhexeysiin. 2. Wax qaybin.
wadaajin eeg wadaaji.
wadaal 1. W. ah: la socoshada neef labi neef dheddig oo orgeysan raaco ama ka hari waayo. 2. Xoolo tirsan oo gooni loo wado.
wadaali 1. Lab xoolaad oo qooqan dheddiggiisa oo deggan la socosho. 2. Neef tabar daran aayar u wadid.
wadaalin eeg wadaali.
page : 1482 of 1584
<< < 1477 1478 1479 1480 1481 1482 1483 1484 1485 1486 1487 > >>