waldaamin eeg waldaami. ld walwaalid.
waldabaani Xoolo meel ku celcelin.
waldabaanin eeg waldabaani. ld waldabaanis.
waldabaanis ld waldabaanin.
waleecaad Waxyeello; dhibaato; inkaar; hoog.
walhasho eeg walho.
walho Wax si joogto ah hadba dhinac ugu iilasho.
wali ld weli¹.
waliil Gariirid, qarqarid, jarayn.
waliilid eeg waliil.
waliimo Martisoor weyn oo marti sharaf lagu maamuuso.
wallaahi Dhaar magaca Alle lagu dhaarto. ld walle.
wallac1 Xanuun ka dhaca dumarka uurka cusub leh; waxaana lagu yaqaan: madaxwareer, candhuufo badni, mantag iyo ninka qaba oo ay jamato ama ay nacdo. wallac2 Wallac dareemid. wallacid eeg wallac².
wallacsan Naag wax wallac hayo ahaansho.
wallacsanaan eeg wallacsan. ld wallacsanaansho.
wallacsanaansho ld wallacsanaan.
wallamaad Neef jar ah; ahmin.
walle ld wallaahi.
walo Bahal yar oo jiirka u eg oo dhogor jilicsan cawl ah iyo gafuur dheer leh.
walow 1. (nax.) Xataa, xataaba. Tus. “Walow anigu waan aqaan”. 2. (nax.) In kastoo. Tus. “Dadka si caddaalad wax ugu qabo, walow taa ay adag tahay”.
walqal1 Neef lagu allabaryo oo ilmo dhashay loogu duceeyo. ld wanqal, waqlal¹. walqal2 U w.: walqal samayn. ld waqlal². walqalid eeg walqal². ld waqlalid.
walwaal ld waldaami.
walwaalid ld waldaamin.
walwal1 1. Layr qabow oo xilliyada qaarkood galabtii timaada; geyr. 2. Welwel, werwer. ld warwar¹, welwel¹, werwer¹. walwal2 Cid walbahaarid. ld warwar², welwel², werwer². walwali Qof murugayn. ld warwari, welweli, werweri.
page : 1489 of 1584
<< < 1484 1485 1486 1487 1488 1489 1490 1491 1492 1493 1494 > >>