walwalid eeg walwal². ld warwarid, welwelid, werwerid.
walwalin eeg walwali. ld warwarin, welwelin, werwerin.
walwalsan Ka w.: wax welwel hayo ahaansho. ld warwarsan, welwelsan, werwersan.
walwalsanaan eeg walwalsan. ld walwalsanaansho, warwarsanaan, warwarsanaansho.
walwalsanaansho ld walwalsanaan.
wambar ld gambar.
wamme Geed yar oo jilicsan oo lugtool ah oo korna ubax qurux badan ku yeesha, hoosna buruq kuusan oo kulul oo biir leh, oo xoolaha lagu dhacariyo, layskuna daweeyo. ld mawe.
wan Idaha kooda lab.
wanaag Wixii fiican oo waxtar leh; samo.
wanaagsan 1. Wax wanaag leh ahaansho. 2. Ku w.: wax, wax gaar ah ku habboon ahaansho.
wanaagsanaan eeg wanaagsan. ld wanaagsanaansho.
wanaagsanaansho eeg wanaagsanow. ld wanaagsanaan.
wanaagsanow Wax wanaag leh noqosho.
wanaagsasho eeg wanaagso.
wanaagso Wax si fiican u suubsasho.
wanaaji 1. Wax wanaagsan ka dhigid. 2. Cid wanaag u samayn.
wanaajin eeg wanaaji. ld wanaajis.
wanaajis ld wanaajin.
wanantume Qori geed jilicsan ka samaysan oo leh qaab burris ama dubbe oo wananka lagu tumo; tutume.
wancad Geed dhirta wax lagu daaweeyo ka mid ah, cudbina ka baxo; soome; soomaggale.
wandhar1 Hilib sidii sar la dhisay loo kala baxshay, loo safay. ld wandharid. wandhar2 Wax la qalay saafid ama kala bixin. wandharan Wax la wandharay ahaansho.
wandharid eeg wandhar². ld wandhar¹.
wandharnaan wandharan. ld wandharnaansho.
wandharnaansho ld wandharnaan.
waneey Neef ari ah.
wanjaaci Ka w.: wax cid ka leexin.
wanjiaacin eeg wanjaaci.
wankalaali1 Bootin dheer oo fardaha iwm sameeyaan. ld wankalaalis.
page : 1490 of 1584
<< < 1485 1486 1487 1488 1489 1490 1491 1492 1493 1494 1495 > >>