falaxgooddiyid eeg falaxgooddi². ld faalaxgooddi¹, faalaxgooddin, faalax- gooddis.
fale1 Walax kimikeed oo isbeddel keena. fale2 (nax.) Yeelaha weerta. faleebbo (daaw.) Hoore ka kooban, dawo, cusbo, fitimiinno, sonkor oo qof cunto qaadan waayey lagu mudo.
faleen Dhirta dhasha beeyada.
falfal1 1. Hilib cad, ama cadad waaweyn oo biyo lagu kariyey. 2. Jid laangooyo lagu sameeyey. 3. Sixir. falfal2 Dhaqdhaqaaqa hore karkaraya. falfal3 1. (f.g) Cid sixir ku samayn. 2. (f.mg) Hoore wax karkaray noqosho. falfalid eeg falfal³.
falfalliir1 1. Digir dubkii laga qaaday oo aad loo kariyey. 2. (m.u) Jeexjeexa qori qallalan yeesho. falfalliir2 Wax sida qori iwm falfalliir u yeelid. falfalliiran1 Wax falfalliir leh noqosho. falfalliiran2 Wax falfalliir leh ahaansho. falfalliirid eeg falfalliir².
falfalliirmid eeg falfalliiran¹.
falfalliirnaan eeg falfalliiran². ld fal- falliirnaansho.
falfalliirnaansho ld falfallirnaan.
falfalxumaan eeg falfalxun. ld falfalxumaansho, falfalxumi, falfalxumo (2).
falfalxumi ld falfalxumaan.
falfalxumo 1. Dhaqan xun oo dadku yeesho. 2. ld falfalxumaan.
falfalxun Falid aan dhaqan wanaagsanayn ahaansho. ld falxun.
falgal taxan (kiim.) Falgal iswada oo maxsuulka tallaabada hore uu curiyo tallaabada xigta.
falgal-geddismi-kara (kiim.) Falgalka kiimikaad ee labada dhinacba u socon kara. Guud ahaan, falgaleyaasha iyo maxsuulladu waxa ay isku yihiin iskujir dheellitiran.
falgalkeene (kiim.) Iskudhis la falgala mid kale (oo ah ka la danaynayo). Ereygan, f., waxa badanaaba lagu isticmaalaa kiimikallada shaybaarka ee caadiga ah sida: naatriyam haydarogsaydh, haydarokoloorig asiidh, iwm ee loo adeegsado tijaabada iyo saafidda.
falid eeg fal². ld fal¹ (4), falniin.
falkaab (nax.) Erey ku kordhiya faahfaahin micnaha falka, sida: “soo”, “sii”, “wada”, iwm.
falkaaliye (nax.) Fal loo adeegsado in uu fal kale oo qaab masdar leh ka kaaliyo xagga habka, muuqaalka, amminka, qofka, tirada iwm; waxaa ka mid ah “jir”, “doon”, “leh”; waxaana loo adeegsadaa ammin iyo hab go'an. Tus. “Kubbad buu cayaari jiray”.
falkamid eeg falkan¹.
falkan1 Wax la falkay noqosho (harrar, derin iwm). falkan2 Wax la falkay ahaansho (harrar, derin iwm). ld falagsan.
page : 16 of 73
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>