falid
(m.f.dh)eeg fal². ld fal¹ (4), falniin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh falid ↴
kaahfalid [m.dh]
(fiis.) Burburka dabiiciga ah ee ku dhaca bu'da atamyada qaarkood, ayna weheliso bixinta saxarrada alfa, bu'da heliyam, saxarrada beta elektaroonno, ama fallaaraha gaama.
tafaaful [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
1. Cid sixrid; falid. 2. Saadaal xun la helid. ld tafaawul².
baaqbaaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
Limid; carraggeddin; falid.
baq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday; -biqi)
1. Wax xumaaday oo aan la dhami karin noqosho (caano). 2. Baqdin dareemid. 3. Ka b.: sharci, qawaaniin iwm wax khilaafsan faliddiisa ka digtoonaan si looga baxsado ciqaabta ay jebintiisu leedahay.
beerfalid [m.dh]
Xilli haramada laga jaro beerta. ld beerfal, beerfalis, beerfalow (2).
camalfalid [m.f.dh]
eeg camalfal². ld camafal¹.
dacarfalid [m.dh]
ld dacarfaalid.
dembaab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Dambi falid. ld dambaab², denbaab².
dhac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
1. (f.g) Hanti cid kale leedahay si xoog iyo sharcidarro ah ku qaadid. 2. (f.g) La dh.: ul, karbaash, gacan iwm wax ku garaacid. 3. (f.g) Dhurwaa habeen xero xoolo ku jiraan weerarid. Tus. “Dhurwaa baa xeradii u dhacay”. 4. (f.mg) Wax meel sare ka soo dillaamid. 5. (f.mg) Ku dh.: imtixaan ku gudbi waayid. 6. (f.mg) Qorrax, dayax iwm godgelid. 7. (f.mg) Wax waqti loogu talaggalay dhammaysasho. 8. (f.mg) Dabayl xoog u socosho. 9. (f.mg) Xabbad iwm qarxasho. 10. (f.mg) Wax culus oo aan la filayn soo kordhid. 11. (f.mg) La dh.: wax si aad ah ugu bogid. 12. (f.mg) Ku dh.: wax aan laga fiirsan falid. 13. (f.mg) Ku dh.: dhar iwm lebbisasho. 14. U dh.: si dhuumasho ah wax u boobid. 15. (f.mg) Biyo aan loo miyayn cabbid (xoolo).
eexi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Samafal gaar ah (qof u) falid; u turid.