xamdinnaq1 eeg xamdi¹. xamdinnaq2 eeg xamdi². xamdinnaqid eeg xamdinnaq².
xamdiyid eeg xamdi².
xameyti ld xammeeti.
xameyti-mareen (c.nafl.) Dhuumaha xameytida ka soo qaada beerka.
xamiiq Candhuuf.
xamiiqreeb In yar oo biyo ah.
xamiiqreebid Kabbasho.
xamiir Qashinka badda ama webigu di-badda u soo saaraan.
xamil 1. Haragga indhaha ku rogan oo dhawra. 2. Rar; qaad. 3. Daah sumalka caloosha lagaga xiro, si uusan idaha u saaran. 4. ld xamli.
xamli Rar; qaad. ld xamil.
xammaag Xoolo, wax dhammaaday ahaansho.
xammaagid eeg xammaag.
xammaal1 ld xammaali. xammaal2 Dusha wax ku qaadid. xammaali Qof ay shaqadiisu tahay in uu dusha wax ku qaado. ld xamaal¹, xamaali, xammaal¹.
xammaalid eeg xammaal². ld xamaalid.
xammaalinnimo Xammaali ahaansho. ld xamaalinnimo.
xammayn eeg xammee.
xammaysan 1. Wax aad u ordaaya ahaansho. 2. Wax aad u raran ahaansho (gaadiid).
xammaysnaan eeg xammaysan. ld xam-maysnaansho.
xammaysnaansho ld xammaysnaan.
xammee 1. Xoolo rar saarid. 2. Baabuur iwm kicin si uu u kululaado.
xammeeti (c.nafl.) Dareere alkaliin oo midabkiisu huruudcagaaryahay, dhadhan qadhaadhna leh oo uu soo saaro beerku, laguna kaydiyo beerkutaasha. Waxay caawi-saa dheefshiidka iyo nuugista duxda taas oo burburisa siina yaryaraysa. Xammeetidu waxa kale oo ay nashaadisaa isku soo ururka muruqyada dheefmareenka oo loo yaqaan ubaaxin. ld xameyti.
xammis Bun saloolid ama dubid.
xammisan Bun wax la xammisey ahaansho.
xammisid eeg xammis.
xammisnaan eeg xammisan. ld xam-misnaansho.
xammisnaansho ld xammisnaan.
page : 1530 of 1584
<< < 1525 1526 1527 1528 1529 1530 1531 1532 1533 1534 1535 > >>