Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: muqmadaysnaan
bislaysi ld bislaysasho.
bislayso 1. Cunto bisayl ka dhigasho. 2. Arrin u gogol xaarasho si aan go'aan qaadashadeeda loogu dhibtoon.
bislee 1. Cunto bisayl ka dhigid. 2. Arrin si aan go'aankeeda loogu dhibtoon u gogol xaarid.
bislow Wax bisil noqosho.
bismillaahi Bisinkii Alle qabsasho.
bismillee 1. Bisin u qabsasho (cunto), dhadhamin. 2. (dii.) Bisin wax ku billaabid.
bismilleyn eeg bismillee.
bisqan Timaha gumaarka dadka ka baxa; shuun. ld bisqin.
bisqanley Meesha ay bisqintu ka baxdo; gumaar.
bisqin ld bisqan.
bisturi (daaw.) Middi yar oo takhtarku u isticmaalo qalliinka, lehna af qalloocan ama af toosan.
bitaamid eeg bitaan.
bitaan (1) Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
bitaan (2) Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
biti (1) Nasiib; hoodo.
biti (2) Wax sida buda iwm oo aan culays badan lahayn dabayl raacin.
bitijor Karbuuno; tooj.
bitin eeg biti².
bito Ciid jilicsan, buda ah oo ay dabayshu qaaddo.
bituuminas (jool.) Dhuxuldhagax madowdhalaal ah; 75% ilaa 92% oo ka mid ahiba waa kaarboon; 4.5% ilaa 5.6% waa haydarojiin. Sida caadiga ah, waxaa loo yaqaan dhuxul guri. B. waa dhuxul-dhagax heer sare ah oo ka darajo sarraysa lignaytka, kana darajo hooseysa antarasayt. Waa dhuxul dhagaxda ugu badan uguna muhiimsan ee la helo iyadoo siyaabo dhawr nooc ah u jirta, sida dhuxulkook iyo dhuxulneefeed.
bixi 1. Wax meel uu joogay ama yaallay ka saarid. 2. Wax sida musmaar qodax iwm meel uu ku mudnaa ka siibid. 3. Wax halis ka badbaadin. 4. Qof, wax uu hayey cid kale siin. 5. Dab iwm shidid. 6. Magac u b.: nafley, meel iwm magacsiin. 7. Wax u b.: qof dhintay wardi ama sadaqa u hibayn. 8. Isu b.: wax kala qoqoban isufurid. 10. Isu b.: laba qof tartansiin. 11. Kala b.: kala saar. ld bixi.
bixid eeg bax.
bixin eeg bixi. ld baxsiin, baxsiis (4), bixis.
bixis ld bixin.
bixitimid eeg bixitin². ld bixtin¹.
bixitin (1) Tegidda meel laga tago iyadoo meel kale la aadayo. ld bixtimid.
bixitin (2) Qof meel u ambabixid.
bixiye Fandhaal weyn oo dabo dheer leh kana samaysan qori oo raashinka lagu gurto.
biyaano (muus.) Qalabka muusikada jaadadkiisa waaweyn jaad ka mid ah oo codad aad u kala duwani ka soo baxan.
biyabbax (1) Imaatinka minada labka iyo dheddiga marka ay isu galmoodaan. ld biyabbixid.
<< < 149 150 151 152 153 154 155 156 157 158 159 > >>

 

Exit mobile version