Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: afxirasho
dhoqor2  Qare, bocor, iwm god yar u yeelid. dhoqos  Dhiil weyn.
dhoqran  Qare, bocor, iwm wax dhoqor loo yeelay ahaansho.
dhoqranaan  eeg dhoqran. ld dhoqranaansho.
dhoqranaansho  ld dhoqranaan.
dhoqrasho  eeg dhoqro.
dhoqrid  eeg dhoqor².
dhoqro  Cunto la cunayo meel godan oo iidaanka lagu shubo u yeelid.
dhosoq  ld dhisiq.
dhow  Wax aan fogayn ahaansho.
dhowaad  1. Ku dh.: qiyaac aad ugu dhow, wax laga hadlayo. Tus. “Cali labaatan ku dh. buu jiraa.” 2. ld dhowaan.
dhowaan  1. ld dhawaansho, dhowaad, dhowaan, dhowaansho. eeg dhow. 2. (fk) ld dhawaan. Mar dhow; hadhow.
dhowaandhalad  Fikrad, qalab iwm hore u jiri jirin oo waqti dhow soo baxay. ld dhawaandhalad.
dhowaansho  eeg dhowow. ld dhowaan.
dhowaansooggal  Qof meel uu ku cusub yahay jooga. ld dhawaansooggal.
dhowee  1. (f.g) Wax, wax kale ag geyn. 2. (f.g) Cid sagootiyid. 3. (f.g) Cid martigelin. 4. (f.g) Weel wax lagu shubay muggiisa in yar ka dhinmid. 5. (f.mg) Soo dh.: cid qaabilid. ld dhawee.
dhoweyn  eeg dhowee. ld dhaweyn.
dhoweysad  ld dhoweysasho.
dhoweysasho  eeg dhoweyso. ld dhaweysad, dhaweysasho, dhaweysi, dhoweysad.
dhoweysi  ld dhoweysasho.
dhoweyso  Wax meel dhow keensasho. ld dhaweyso.
dhowow  1. Cid si martinnimo iyo xurmo leh meel u fariisasho. 2. Soo dh.: cid meeshii ay joogtay meel ka sokeysa imaansho. ld dhawow.
dhowr  ld dhawr¹.
dhows  Nin laxaad weyn leh oo nacas ah.
dhowsnimo  Dhows ahaansho.
dhoy  Awoodda wax lagu garto; garaad. ld dhooy.
dhoydhoy  Rays cusub.
dhoyla'aan  Dhoy la'ahaanshada. ld dhooyla'aan.
dhoylaawe  Qof caqli yar. ld dhooylaawe.
dhoys  Qof aan tirsiimo lahayn; caaq.
page : 154 of 218
<< < 149 150 151 152 153 154 155 156 157 158 159 > >>

 

Exit mobile version