xarraamid eeg xarraan².
xarraan1 1. Faras aan hayin ahayn. 2. (-nno, m.dh) Qof qaba mingis aan la yabarayn. xarraan2 Faras wax aan hayin ahayn noqosho. xarragayn eeg xarragee.
xarragaysan Wax xarrago ka muuqato ahaansho.
xarragaysii Cid aad u sharfid.
xarragaysiin eeg xarragee.
xarragaysnaan eeg xarragaysan. ld xarra-gaysnaansho.
xarragaysnaansho ld xarragaysnaan.
xarragee Qof wax xarrago leh siin.
xarrago 1. Hab wixii arkaa u bogaan oo ama loo socdo ama loo qaato dhar cusub ama qaali ah ama si gaar ah loo jaangooyay ama loo tolay; mardaaddii; xashaash; shoob. 2. Qurux; wanaag.
xarragoo 1. Dhar qurxoon xirasho. 2. Ka x.: wax ka faanid ama iska dhawrid.
xarragood eeg xarragoo.
xarre Buluunbulyo; xar. ld xorre (2).
xarriijin ld xarriiq¹.
xarriiq1 1. Daliig, jiitin. 2. ld xarriijin, xarriiqin. xarriiq2 (xis.) Isku xir ka dhexeeya laba barood oo ku yaalla dululaati ama dul xarriiqi waxa ay leedahay dherer haseyeeshee, ma laha ballac, waxa ay noqon kartaa mid toosan ama xoodan. Hidda toosan waa fogaanta ugu gaaban ee u dha-xaysa laba barood oo ku yaalla dul fidsan. xarriiq3 Xarriiq samayn. xarriiq-badh (xis.) (Fallaar) Xarriiq toosan oo ka bilaabanta bar maguu-raan ah oo si aan joogto ahayn ugu fidda hal jiho (dhinac) oo keliya.
xarriiq-taabte (xis.) Xarriiq toosan oo xood ama sallax ka taabta bar keliya, bartaas oo loo yaqaan barta taabtaha.
xarriiq-xoog (fiis.) Xarriq mala'awaal ee bedad xoog oo muujiya jihada iyo itaalka bedadda. Badanaa, xarriiqahan waxaa loo adeegsadaa muujinta bedad birlabeedka iyo bedad danabeedka.
xarriiqa waqtiyeynta caalamiga (juqr.) Xarriq la mala awaalay oo caalamku isku raacay oo mara dhigta 180 , meelaha qaarkood oo magaalooyin lala raacay mooyaane. Marka darriiqdaas la gudbo iyada oo galbeed laga socdo barina loo socdo maalin ayaa lagu noqdaa; marka laga gudbo xarriiqdan lagana socdo bari loona socdo galbeed maalin dhan ayaa la lumiyaa.
xarriiqan Wax la xarriqay ahaansho.
xarriiqid eeg xarriiq².
xarriiqin ld xarriiq¹.
xarriiqnaan eeg xarriiqan. ld xarriiq-naansho.
xarriiqnaansho ld xarriiqnaan.
xarrish Qof qiimahiisa dadnimo wax u dhimid.
xarrishaad ld xarrishid.
xarrishid eeg xarrish. ld xarrishaad.
page : 1540 of 1584
<< < 1535 1536 1537 1538 1539 1540 1541 1542 1543 1544 1545 > >>