xolxol Meel daloosha oo laba baal ama laba lakab dhexdooda ah. ld xexeb, xoxob.
xood1 1. Ul yar; dhenged. 2. Xoodamis; salaax. xood2 1. Xoodamis; salaax. 2. Hab ceelasha qaarkood loo shubo. xood3 Xarig iwm oo dabacsan togid. xood-taabte (xis.) Garaaf fansaar tanjent. Kulannada kartis ee y=tanx waa xood kalgal ah oo leh laamo kala baxsan oo mid kasta leh bar rogmad halka dhibibka-x kuna laacsan xarriiqyada x=+ , + 3 , + 5 iwm.
xoodaami Jir nafley salaaxid.
xoodaamin eeg xoodaami.
xoodan1 Wax la xooday noqosho. xoodan2 Wax la xooday ahaansho. xoodasho eeg xoodo.
xoodbeeg (xis.) Xoodbeeggu waa fogaanta u dhexeysa xoodka iyo kulmiska oo loo qaybshay fogaanta u dhexeysa xoodka iyo jeedshaha. Nooca toobineed waxa uu ku xiranyahay qiimaha saamiga halbeegga (e). Marka e<1 toobi-needku waa qabaal; marka e=1 toobineedku waa saab iyo marka e>1 toobineedku waa labo saab.
xoode Xarig sida badan saan ka samaysan oo dhigaha kor looga xiro.
xoodi ld xoodaami.
xoodid eeg xood³.
xoodin eeg xoodi.
xoodmid eeg xoodan¹.
xoodnaan1 eeg xoodan². ld xoodnaan-sho, xoodsanaan, xoodsanaansho. xoodnaan2 1. Dhakhsaha isbeddelka ee jihada xood halka bar gaar ahaneed ee xoodkaasi. 2. Rogaalka gacanka goobada, taas oo, si aad ah ugu ekaaneyso xood halka bar la isa siiyey. xoodnaan3 (xis.) Summad k. Dhaqsaha isbeddelka ee tiirada taabtaha ee xood, marka loo eego fogaanta ku dhereran xoodka. xoodnaansho ld xoodnaan¹.
xoodo 1. (f.g) Xarig iwm oo dabacsan togid. 2. (f.g) Ceel si xood ah u shubid. 3. (f.mg) U x.: salaax ku raaxaysasho.
xoodsad ld xoodsasho.
xoodsan ld xoodan².
xoodsanaan ld xoodnaan.
xoodsanaansho ld xoodnaan.
xoodsasho eeg xoodso. ld xoodsad, xoodsi.
xoodsi ld xoodsasho.
xoodso 1. (f.g) Nafley salaaxasho. 2. (f.mg) Nafley salaax u bogid.
xoog1 1. Kartida muruqyadu u yeeshaan culays qaadidda. 2. (-gag, m.l) Ciidan. 3. (-gag, m.l) Kubka intiisa hore u jeedda. 4. (fiis.) Riixidda ama jiididda ku dhacda wax. xoog2 (fiis.) Summad F. Fal kasta oo beddela ama isku daya inuu beddelo xaaladda negaashaha walax ama ku jirta socod madoorsoome ah. Xoogga, F, ee ku abbaaran walax cufkeedu (m), dhalinayana karaar ah, (a), waxa lagu helaa F = ma Halbeegga cufku waa Niyuutan (N).
page : 1561 of 1584
<< < 1556 1557 1558 1559 1560 1561 1562 1563 1564 1565 1566 > >>