xoor3 1. Wax tuurid. 2. Wax dhumin. xoori Xoor yeelasho.
xoorid eeg xoor³.
xoorin eeg xoori.
xoorsato Xoolo dhaqato hadba meel daaq cusub u doonata oo aan negaanaynin in badan; cosobsato.
xoosh 1. Cirro. 2. Daash, sida meel baabuurta la dhigta oo guriga raacsan.
xoox Caanaha u horreeya oo laga liso ama laga nuugo candho irmaan.
xooxi 1. (f.g) Candho xoox ka maalid. 2. (f.mg) Candho irmaan xoox yeelasho.
xooxin eeg xooxi.
xooxsad ld xooxsasho.
xooxsasho eeg xooxso. ld xooxsad.
xooxso Candho xoox ka maalid.
xoq1 Beeyo qolof lagu fujiyo oo aan saafi ahayn. ld xog¹, xog², xoq². xoq2 ld xoq¹. xoq3 1. Wax ciddiyaha marmarin. 2. Wax hoolid. 3. Cusbo gaar ah carruur dabada ka gelin. ld xog³. xoqad1 ld xoqasho. xoqad2 1. (-do, m.l) Diirad, dooribeyn, biladaye. 2. Qun, xoqato. xoqado eeg quman.
xoqasho eeg xoqo. ld xoqad¹.
xoqato Qalab yar oo bir ah oo af godan oo qumanka lagu xoqo.
xoqe Qalab yar oo carruurta duburka looga xoqo.
xoqid eeg xoq³. ld xogid.
xoqo Meel jirka nafleyda ka mid ah oo cuncunaysa ciddi ama wax kale xoog ugu duugasho.
xor 1. Wuxuu doono samayn kara; aan cidi u talin; wuxuu maskaxdiisa ka maago samayn kara isagoo aan cidna kala tashan; isu taliya; madax bannaan; aan hawl ama shii-daad kale horjoogin ama xayirayn. 2. (-ro, m.l) Dacal (dhar); daraf; serji.
xorayn eeg xoree.
xoree Cid xor ka dhigid.
xorgog1 Caato, wuxuu ku dhego aan laga fujin karin; wax ku koga ama isku qonbojiya. xorgog2 1. Nafley caatoobid. 2. Wax si ba'an ugu dhegid. xorgogid eeg xorgog².
xorgogsan Wax xorgogay ahaansho.
page : 1564 of 1584
<< < 1559 1560 1561 1562 1563 1564 1565 1566 1567 1568 1569 > >>