xuurtayn eeg xuurtee.
xuurtaysii ld xuurtee.
xuurtaysiin ld xuurtayn.
xuurtee Cid xuurto badid. ld xuurtaysii.
xuurto Culays ku yimaada neefta marka nafley orod ku daasho ama hawl iwm. ld xiiq.
xuurtoo Xuurto dareemid.
xuurtood eeg xuurtoo.
xuux “X.!”: erey carruurta lagu yiraahdo marka la cabsiinayo.
xuuxi Carruur wax ku cabsiin.
xuuxin eeg xuuxi.
y (ya') Xarafka saddex iyo labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga waana shibbane.
yaa (1) Kuma ayaa?, tuma ayaa?
yaa (2) Maxaad tiri? Ku soo celi!
yaa (3) ld baa.
yaa (4) Yaan: markii qurubka diidmada 'aan 2' lagu lifaaqo amar diidmo ayuu muujiyaa. Tus. “Yaanu keenin”.
yaab (1) Amakaag; irkig; abyan; fajac.
yaab (2) 1. Ku yaab/ka yaab: dhacdo qof sameeyey la fajicid. 2. U yaab: wax dhibaato uga baqid (cid). 3. Ka yaab: dhibaato ka baqid (cid). 4. Isla yaab: cid fal ay samaysay ka qoomamayn.
yaabban ld yaabsan.
yaabbanaan ld yaabsanaan.
yaabbanaansho ld yaabsanaan.
yaabi Ka yaabi: cid yaab ku abuurid.
yaabid eeg yaab². ld yaabis².
yaabin eeg yaabi. ld yaabis(1).
yaabis (1) 1. Yaabis ah: aan iidaan (ama goosaar) lahayn (cunto iwm); engegan. 2. ld yaabin.
yaabis (2) ld yaabid.
yaabsan Wax yaab hayo ahaansho (qof). ld yaabban.
yaabsanaan eeg yaabsan. ld yaabbanaan, yaabbanaansho, yaabsanaansho.
yaabsanaansho ld yaabsanaan.
yaac 1. Dad, duunyo ama qalab kala firdhasho. 2. Ka soo y.: furuuruc iwm oo gada dusheeda ka soo bixid.
yaaci Dad, duunyo ama qalab kala firdhin.
<< < 1568 1569 1570 1571 1572 1573 1574 1575 1576 1577 1578 > >>