Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: khaatumo
boocaar Nooc ka mid ah kalluun.
bood (1) Midab caddaan caawl ku dheehan ah oo ay fardaha yeeshaan.
bood (2) Dhoobo cad, laga helo dhulka lakabyadiisa hoose ee biyaha u dhaw oo timaha iyo dharka lagu dhaqdo.
boodaami Boodaan ka dhawaajin (geel).
boodaamin eeg boodaami.
boodaan Koor weyn oo geela loo xiro. ld buudaan.
boodal Nin geesi ah.
boodayn eeg boodee. ld boorayn (2).
booddo (1) 1. ld bootin. Si degdeg iyo xoog leh, inta cagaha meel loogu dhufto, oo laba melood laysaga hawakaco. 2. Cayayaan yar oo boodbooda oo dadka iyo nafleyda kale dhiigooda ku nool; qandhiso.
booddo (2) (c.nafl.) Xasharaad dhiigga dhuuqa oo aan baalal lahayn, lugose leh ay ku booddo. B.da waaweyn si aan joogto ahayn ayey waxay ku dul noolaadaan shimbiraha iyo naasleyda. Qaarka dadka cunana waxay qaadi karaan cudurro kala duwan.
boodee 1. Bood dhar ku mayrid. 2. Bood timaha ku caddayn. ld booree (2).
boodh (baay.) Unug taran oo keligii kobci kara iyada oo aanu la kulmin unug kale oo taran b.ka waxa soo saara dhirta, fangiga, bakteeriyada iyo qaar ka mid ah borotosoowaha. B.ku wuxuu noqon karaa noole u eg waalidkii ama wuxuu mari karaa heer kale oo meerta nololeed.
boodhar Budo cad oo siigo ah udgoon oo waqtiga kuleylaha la marsado si ay dhidika u nuugto. ld boolbare, boolbire, bootar.
boodid eeg bod.
boodsii ld booti.
boodsiin ld bootin.
boodsiis ld bootin.
boodsol (juqr.) Nooc carro oo astaan u ah gobollada leh cimilada cirif-hoosaad, oo ah ka ay ka baxaan inta badan dhirta dabiiciga ah ee caleen irbadleyda.
boog Nabar caalir leh jirka muddo ku yaallay oo aan weli biskoon.
boog-calooleed (2) (daaw.) Boog ku sameysmata caloosha waxaana keena aasidhka oo gubeysa caloosha. Aasidhka caloosha ma bato. Astaamaha: matag iyo xanuun caloosha cunnada kaddib, waxaa iman kara dhiigbax iyo waxa kaloo dhici kara kala xirin caloosha iyo xidmaha markii nabarku buskoodo.
boog-xiidmeed (daaw.) Boog ku taal qayb ka mid ah xiidmaha (duodenum) waxaana keena asidhka caloosha. Waxaana u badan dadka noocooda dhiigga uu yahay kooxda “O”. Astaamaha: xanuun uurkujirtada marka calooshu marantahay; matagna waa jiri karaa.
boogadhay ld boogadhaye.
boogadhaye Qof boogaha iyo nabarrada fudud daaweeya. ld boogadhay.
boogayn eeg boogee.
boogaysan Wax boog leh ahaansho.
boogaysnaan eeg boogaysan. ld boogaysnaansho.
boogaysnaansho ld boogaysnaan.
boogcalooleed (1) Nabar caloosha ka soo baxa. ld boogcaloolo.
boogcaloolo ld boogcalooleed¹.
boogee Boog u yeelid (jir).
<< < 155 156 157 158 159 160 161 162 163 164 165 > >>

 

Exit mobile version