bowdo Lugta inteeda u dhexeysa lowga iyo sinta.
bowsad ld bowsasho.
bowsasho eeg bowso. ld bowsad, bowsi.
bowsi Aqoon kooban oo aan dugsi iyo macalin toos ah laga baran. ld bowsasho.
bowso Aqoon kooban oo aan dugsi iyo macallin toos ah laga baran helid.
boy (1) (booyaad, m.l/booyaal, m.l/dh) Adeege, madiidin.
boy (2) (boyay, boysay) ld oy.
braagmatiismaha Hab loo fikiro ama ku saabsan dhibaatada ficil ahaan, oo aan ahayn dariiq aragtiyeed..
bu' (1) (bu'o, m.l) 1. Isha nafleyda inteeda madow. 2. Afarta caloolood ee raamsatada middeed. 3. Cudur beeryarada barariya oo kaneecada laga qaado. 4. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar aad u badan..
bu' (2) 1. (baay.) Jidh dhex yaallo saytobalaasamka unugyada, kaasoo ay ku jiraan walxaha hiddo side DNA. 2. (kiim.) Qaybta atamka ee saldanabeedku toganyahay, cufka atamkuna ka yimaado; b.du borotoonno iyo niyuutroonno ayay ka koobantahay; b.da atamka waxaa lagu muujin karaa summad tilmaamaysa tirada (cufka, borotoonnada, atamka) iyo curyaha magaciisa..
bu'asho eeg bu'o.
bu'o Weel cadaadiska gudahiisa ku jira oo aad u batay awgeed furtuurid.
bu'yaro (baay.) Jidh yar oo wareegsan oo isku cufan oo laga helo bu'da aan qaybsamin ee unugga dhirta iyo xayawaanka, taas oo ka kooban borotiin, DNA, iyo RNA. Waxay door muhiin ah ka ciyaartaa soo saaridda ribosoomka iyo borotiinka.
bub Cayaar u eg shaxda oo ay ciyaaraan laba qof ama ka badan; yib; shantarad.
bubbucood Dhul buurar ciid ah iyo geedo leh.
bucabbucayn ld buhabbuhayn.
bucabbucee ld buhabbuhee.
bucasho eeg buco.
bucayn ld bugayn.
bucee ld bugee.
buco Badar la dubay xamur noqosho.
bucshirad ld bucshiro (1).
bucshiro 1. ld bucshirad. Ganacsi. 2. Alaab laga ganacsado, badeeco. 3. Nooc ka mid ah ciyaaraha turubka oo afarta warqadood ee badda taal la baayaco.
buctureen (bot.) Geed yar oo caleemo iyo ubax udgoon leh oo guryaha, xafiisyada iwm lagu beero.
bucul Qodaxda geedka sarmaanta marka ay qallasho.
bud (1) Ul lagu dagaallamo oo madaxa buuran; bur; garruun. ld bur¹.
bud (2) 1. Ciidda la tuuro qabriga dushiisa oo calaamad u ah. 2. Iil. 3. B. soo dheh: soo bixid (qorrax, dayax iwm).
bud-dhig (1) (dii.) Dhigitaanka qof dhintay iilka la dhigo. ld bud-dhigid.
bud-dhig (2) (dii.) Qof dhintay iil gelin.
bud-dhige Qofka qofka dhintay dad ugu xiga oo buddhiggiisa leh.
<< < 162 163 164 165 166 167 168 169 170 171 172 > >>