dibaaji ld diibaaji.
dibaakh1 ld dabaakh¹. dibaakh2 ld dabaakh². dibaakhid ld dabaakhid.
dibaaq ld dubaaq.
dibaax ld daabax.
dibaaxasho eeg dibaaxo. ld dubaaxasho.
dibaaxi Boodboodid yaryar oo kolkol hilibku yeesho, siiba muruqyada; burunjiyayn; jarcayn. ld dubaaxi.
dibaaxin ld dubaaxin.
dibaaxis1 ld dubaaxin. dibaaxis2 (c.nafl.) Kala baxa iyo ururka hirarka muruqyada xiraadka la'ee mara dheefmareenka, kuwaa oo suurtoggeliya socodka cuntada. Waxaana keena uururka muruqyada wareegsan ee gidaarka calool yarada. ld dubaaxis². dibaaxo Meel jirka ka mid ah gariirid. ld dubaaxo.
dibad 1. (fk) Meel bannaan ama awdnayn. 2. Dal shisheeye. ld dibed.
dibadbax1 Bambax. dibadbax2 Dad wax ayidaaya ama wax diidaaya ama u dabbaal degaaya, soo bannaanbixid. dibadbixid eeg dibadbax².
dibadjiif ld boorjiif.
dibadjoog 1. Ugaar. 2. Goonidaaq. Tus. “Ratigii dibadjoog buu noqday”.
dibadyaal 1. D. ah: xidid buruq iwm oo aan ciidi ku qarsoonayn. 2. D. ah: wax la xooray oo aan qiimo lahayn.
dibadyaaloobid eeg dibadyaalow.
dibadyaalow Wax la xooray oo aan qiimo lahayn noqosho.
dibbaaqo Dhar iwm midab u yeelasho.
dibbad 1. Maqanaanta labada habeen ee dayaxeed ugu dambeysa ee aanu dayaxu soo bixin. 2. Rugta dayuxu fariisto labada habeen ee ugu dambeeya bil-dayaxeed. 3. ld dibbasho. ld dubbad¹.
dibbasho eeg dibbo. ld dibbad, dubbad¹, dubbasho.
dibbir1 1. Dibbiro calool. 2. Qof maal qabeen ah. dibbir2 1. Dabayl badan oo gudaheeda ku samaysantay awgeed fuurid (calool). 2. Cid aad u dhargid. 3. Qof cayil. dibbiraysan ld dibbirsan.
dibbiraysnaan ld dibbirsanaan.
dibbiraysnaansho ld dibbiraysnaan.
dibbiri 1. Wax dibbirsan ka dhigid. 2. Is d.: si islaweyni leh u muuqasho.
page : 167 of 218
<< < 162 163 164 165 166 167 168 169 170 171 172 > >>