Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: marjiid
burbur (2) Wax is haystay, cadad yaryar u kala jebid. ld burur² (2).
burburi Wax is haystay cadad yaryar u kala jejebin. ld bururi (2).
burburid eeg burbur². ld bururid.
burburin eeg bururi. ld burburis (2), bururin, bururis.
burburis 1. Caano in yar la lulay oo aan firfir yeelan. 2. ld burburin.
burbursad ld burbursasho.
burbursan (1) B. ah: caanaha lo'da ama ariga markay fariistaan.
burbursan (2) Wax la burburiyey ahaansho. ld burursan (2).
burbursanaan eeg burbursan. ld burbursanaansho, burursanaan, burursanaansho.
burbursanaansho ld burbursanaan.
burbursasho eeg burburso. ld burbursad, burbursi, burursad, burursasho.
burbursi ld burbursasho.
burburso Wax is haystay ilkaha ku jajabsasho. ld bururso.
burcad (1) Subagga caanaha la lulay laga soo saaro inta aan weli la shiilin. ld bocor¹ (1).
burcad (2) Koox tuugo ah, hubeysan oo dadka laaya, dhacana.
burcadnimo Burcad ahaansho.
burcayd Jaad ka mid ah libaax badeedka waaweyn. ld bircayd.
burciid (1) In yar oo carro ah oo is haysta.
burciid (2) Meel bannaan oo ciid jilicsan leh.
burco Meel bannaan, dhulkaa intiisa kale in yar ka sarreysa oo ciid jilicsan leh.
burdad ld burdaddo.
burdaddo (bot.) Geed nagaar faalala leh caleemo yaryar iyo bari macaan oo la cuno. ld burdad.
burde Qasiiddo nabi ammaan ah oo uu tirshey Maxamed Buusiri.
bure ld bire.
buree Nafley bur la dhicid. ld buraree.
bureyn eeg buree. ld burareyn, burareys, bureys.
bureys ld bureyn.
burgaanti Budo daawo ah, qaraar, qasanta oo la isku qaras bixiyo. ld burkaanti.
burge Fuley. ld burje.
burhaan (dii.) Awood qarsoon, dhib iyo dheefba leh oo la rumaysan yahay in dad gaar ah Eebbe siiyo.
<< < 169 170 171 172 173 174 175 176 177 178 179 > >>

 

Exit mobile version